Ma Run Baa In La Qarxinayay Garoonka Parc des Princes Intii Ay Socotay Ciyaartii PSG vs Marseille Ee Axaddii?


Booliska waddanka Faransiiska ayaa xabsiga u taxaabay nin la sheegay in uu ku hanjabay in uu qaxinayo garoonka Parc des Princes intii ay socotay ciyaartii Axaddii ee Classique ee kooxaha Paris Saint-Germain iyo Marseille oo ka dhacday garoonkaas.

Nin aan magaciisa la shaacin ayaa la sheegay in lagu qabtay in bannaanka garoonka oo ay boolisku su’aalo weydiinayaan, iyadoo sidoo kalena la tuhunsan yahay in uu doonayay inuu qarxiyo maqaaxi bunka laga cabbo oo ku taalla magaalada Paris.

Falkan qabashada ninkan oo lagu tuhunsan yahay argagixiso ayaa la sheegay in uu dhacay waxyar ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii Paris Saint-Germain ay guusha weyn ka gaadhay Marseille ee Parc des Princes, taas oo uu dhaawac kaga baxay Kylian Mbappe.

Telefishanka RMC Sports ayaa sheegay in ninkan laga qabtay maxadad laga raaco tareennada oo magaalada Paris gudaheeda ah, balse waqtiga la qabtay ma aanu sidanin waxyaabo halis ah.

Ninkan ayaa la sheegay in uu hore u weeraray maqaaxida bunka ee Paris oo ay muddo ku daba-jireen sirdoonka Faransiiska oo markanna la socday.

Saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Paris ayaa uu illaa hadda ku xidhan yahay, waxaana la sheegay in lagu samaynayo baadhitaanno dhinaca maskaxda ah oo la geeyey cusbitaal kaddib markii uu soo baxay shaki ah in aanu maskax ahaan fayoobayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*