RASMI: Real Madrid Oo Soo Saartay Liiska Ciyaartoydeeda Kulanka Arbacada – Yaa Soo Noqday Yaase Maqan?


Carlo Ancelotti ayaa shaaciyey liiska ciyaartoyda kooxdiisa Real Madrid ee kulanka Arbacada ee Las Palmas ee garoonka Santiago Bernabeu, waxaana ku jira xiddigo muhiim ah oo dib ugu soo laabtay kaddib waqtiyo dhaawac ah.

Xiddiga reer Turkey ee Arda Guler oo gellinkii hore uu Carlo Ancelotti sheegay in uu taam yahay ayaa dib ugu dhaawacmay isla tababarkii maanta oo muddo saddex toddobaad ah garoomada ka maqnaan doona, taas oo ka dhigan in illaa badhtamaha bisha October uu sugi doono in uu safto ciyaartiisa koowaad.

Warka fiican ee ay Real Madrid heshay ayaa waxa uu yahay in uu dib ugu soo laabtay Dani Carvajal oo ka maqnaa labadii ciyaarood ee Unior Berling iyo Atletico Madrid oo uu dhaawac u jiifay, waxaana dib loogu soo celiyey safka kooxda.

Vinicius Junior ayaa sidoo kale usoo noqday kooxdiisa Real Madrid oo uu muddo bil ah ka maqnaa, iyadoo ciyaartii Madrid derby oo uu horteed soo noqday laga saaray liiska kooxdiisa kaddib markii uu xanuunsaday.

Ka sokow Arda Guler, labada ciyaartoy ee kale ee ka maqan Real Madrid waa Thibaut Courtois iyo Eder Militao oo aan muddooyinkan lagu xisaabtami doonin.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee Arbacada oo dhamaystiran

Goolhayeyaal : Lunin, Kepa and Fran.

Difaacyahanka : Carvajal, Alaba, Nacho, Lucas V., Fran García, Rüdiger and Mendy.

Khadka Dhexe : Bellingham, Kroos, Modrić, Camavinga, Valverde, Tchouameni and Ceballos.

Weeraryahanno : Vini Jr., Rodrygo, Joselu and Brahim.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*