Raheem Sterling Iyo SADDEX Xiddig Oo Kale Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Chelsea


Raheem Sterling ayaa u muuqda inay uga dhamaatay kooxdiisa Chelsea oo laga diri doono inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoydu, haddii kalena uu qaab murugo iyo niyad-jab ah kusii joogi doono Stamford Bridge, kaddib markii uu tababare Enzo Maresca qaatay go’aan adag oo uu liiskiisa kaga saaray.

Sterling ayaa laga reebay liiska ciyaartoyda Chelsea ee kulankii Man City ee lagu furay horyaalka Premier League, waxaana waqtigaas uu Enzo Maresca ku dooday inuu ahaa go’aan la xidhiidha farsamo.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku ku warramayaan, Raheem Sterling iyo saddex ciyaartoy oo kale ayaa waxa la go’aamiyey in laga reebo liiska xiddigaha Chelsea ee loo gudbin doono xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ee ka qayb-geli doona tartanka UEFA Europa Conference League.

Chelsea ayaa waxa ay Khamiista la ciyaari doontaa kooxda reer Switzerland ee Servette oo ay lugta hore kula dheeli doonto garoonka Stamford Bridge, halka lugta labaadna ay la ciyaari doonaan 29ka bishan August.
Raheem Sterling ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoyda Chelsea ee kulankan, sidoo kalena waxa laga reebay saddexda ciyaartoy ee kale ee Ben Chilwell, Wesley Fofana iyo Tosin Adarabioyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*