Cristiano Ronaldo Oo Caddeeyey Haddii Uu Ku Noqonayo Manchester United Oo La Sheegay Inay Ka Taallo Shaqo Qabyo Ah


Xiddiga reer Portual ee Cristiano Ronaldo ayaa caddeeyey mustaqbalkiiisa haddii uu ku laabanayo kooxdiisii hore ee Manchester United, kaddib markii ka mid ah xiddigihii ay hore ugu wada ciyaari jireen uu sheegay inay suurtogal tahay inuu si lama-filaan ah Ronaldo ugu laabto Old Trafford.

Ronaldo ayaa Manchester United u ciyaaray intii u dhaxaysay 2003 illaa 2009, kaddibna waxa uu dib ugu soo laabtay sannadkii 2021, inkasta oo uu ka tegay sannad iyo badh markii uu u ciyaaray iyagoo isku dhacay tababare Erik ten Hag oo ku qasbay inuu macasalaameeyo kooxda ka hor intii aanu bilaabmin Koobkii Adduunka 2022.

Louis Saha oo ay Ronaldo u wada ciyaari jireen Manchester United ayaa waxa uu sheegay, in Cristiano Ronaldo ay shaqo qabyo ah ka taallo Old Trafford oo ay suurtogal tahay inuu dib ugu laabto, laakiin ay shaqadiisu noqon doonto mid la xidhiidha tababarenimo.

Ronaldo oo ku biiray kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr December 202, ayaa ay warbaahintu weydiisay haddii uu dib ugu laabanayo Old Trafford iyo kooxdiisii hore ee Man United oo uu u ciyaari doono, waxaanu ku jawaabay: “Shaqadaydii Yurub way soo dhamaatay. Waxa aan usoo ciyaaray kooxaha ugu wanaagsan Yurub, wax walbana waan ku guuleystay.

“Waqtigan, waxa aan ku faraxsanahay Al-Nassr. Dadku ma garanayaan heerka ciyaareed ee halkan, heshiiska aan kula jiraana waa mid khaas ah, sababtoo ah waxa aan ahay ciyaartoy ka duwan ciyaartoyda kale. Anigase waa ii caado sidaasi.”

Arrintan ayaa ka dhigan, in Ronaldo aanu mar dambe ku noqon doonin Yurub iyo kooxda uu Louis Saha tibaaxay inuu CR7 ku noqonayo ee Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*