SHAN Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Xulka England Ka Hor Tartanka Euro 2024 Ee Jimcaha Bilaabmaya


Shan ciyaartoy oo muhiim ah ayaa ka dhaawacan xulka qaranka England ee ku sugan waddanka Germany ee isku diyaarinaya tartanka Euro 2024 ee Jimcaha bilaabmaya, waxaana tababare Gareth Southgate uu ka walaacsan yahay taam ahaanshaha xiddigahan.

Xulka England ayaa maalinta Isniinta waxa uu waajihi doonaa Serbia kulanka koowaad ee Euro 2024, waxaana ciyaartoodani ay imanaysaa iyadoo usbuucan horraantiisii uu qaranka Iceland kaga adkaaday kulan ka dhacay garoonka Wembley Stadium.

Ciyaartoyda ay ka mid yihiin Jack Grealsih, James Maddison iyo Harry Maguire ayaa hore looga reebay xulka qaranka England, iyadoo fursad la siiyey ciyarartoyda ku cusub xulka ee Anthony Gordon, Cole Palmer iyo Eberechi Eze.

Wargeyska Telegraph ayaa qoray, in Jude Bellingham, Phil Foden, Bukayo Saka, John Stones iyo Luke Shaw ay dhamaantood u baahan yihiin in dhakhaatiirtu ay hubiso taam ahaanshahooda ka hor ciyaarta Serbia, waxaana dhamaantood ay qabaan dhaawacyo shaki gelinaya inay kusoo bilaaban karayaan kulankaas.

Bellingham ayaa waxa uu hore uga maqnaaday labadii ciyaarood ee saaxiibtinimo ee Iceland iyo Bosnia & Herzegovia maadaama uu Real Madrid kula soo guuleystay Champions League oo uu waqti dambe ka yimid, halka Foden uu dhamaystay 90 daqiiqadood ciyaartii Iceland ee Jimcihii isaga oo xanuun dareemaya, halka Bukayo Saka isaguna aanu dhamaysanin ciyaartaas.

John Stones ayaa lagu saaray jug soo gaadhay waqtigii nasashada, waxaana uu wax ka qabaa kuraanta, balse Luke Shaw oo ah ciyaartoyga aadka looga walaacsan yahay oo kaliya 15 ciyaarood u saftay Man United xilli-ciyaareedkii tegay ayaa la xaqiijiyey in ciyaarta Serbia uu ka maqnaan doono oo booskiisa difaaca bidix uu kusoo bilaaban doono Kieran Trippier.

Lewis Dunk, Ezri Konsa iyo Joe Gomez ayaa uu Gareth Southgate ka dooran doonaa ciyaartoygii uu ka garab dheelsiin lahaa Marc Guehi haddii uu maqnaado Stones.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*