SADDEXDA Weeryahan Oo Manchester United Ay La Saxeexanayso Oo La Shaaciyey


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa calaamadsatay liiska gaaban ee weeraryahannada ay bartilmaameedsanayaan xagaagan, kuwaas oo qorshuhu yahay in midkood ay keenaan Old Trafford.

Red Devils ayaa la fahamsan yahay in ay doonayso inay safkeeda kusoo kordhiye ciyaartoy afka hore ah oo tamartiisu badan tahay, kaas oo naadiga hoggaamin kara haddii ay wax noqdaan Marcus Rashford, Hojlund ama Alejandro Garnacho.

Ivan Toney oo u dheela xulka qaranka England, haddana ka mid ah ciyaartoyda dalkaas uga qayb-gelaya ciyaaraha qaramada Yurub ayaa hoggaaminaya liiskan iyadoo qiimaha laacibkanna lagu sheegay £50 milyan oo Gini oo ay dalbanayso kooxdiisa Brentford.

Waxa kale kale oo liiska gaaban ee Manchester United ku jira weeraryahanka Faransiiska ah ee Jonathan David oo u dheela Lille oo isaguna qiime ahaan aan ka hoosayn doonin Ivan Toney iyo weeraryahanka kooxda Bologna ee Zirkzee oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo £34 milyan oo Gini.

Warka ayaa intaa ku daray, in Manchester United aanay kaliya isku hallayn doonin Rasmus Hojlund oo ah weeraryahanka dhexe ee kaliya ee ay haystaan maadaama uu naadiga ka tegay Anthony Martial, sidoo kalena Marcus Rashord uu u batay garab oo uu ku dhibaatoodo booska No.9.

Ivan Toney oo ah dookha koowaad ee Manchester United ayaa xilli-ciyaareedkii hore kooxdiisa Brentford u saftay 17 ciyaarood oo uu u dhaliyey afar gool, waxaana muddo siddeed bilood ah uu ku maqnaa ganaax sababtiisu ahayd inuu sameeyey khamaar, waxaana markii uu soo laabtay uu hore u heli waayey qaab-ciyaareedkii lagu yaqaannay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*