RASMI: Xulka Qaranka Brazil Ee Isreeb-reebka Koobka Adduunka Oo La Shaaciyey


Tababaraha xulka qaranka Brazil, Dorival Júnior ayaa soo saaray liiska xulka qaranka dalkiisa ee ciyaaraha isreeb-reebka Koobka Adduunka ee 2026 ee bisha September ee foodda inagu soo haysa ay la ciyaari doonaan Ecuador iyo Paraguay.

Brazil ayaa waxa ay Ecuador kula dheeli doontaa Curitiba marka ay taariikhdu tahay 6da September, halka afar maalmood kaddibna ay Paraguay ugu tegi doonaan Asuncion.

Labadan ciyaarood ayaa muhiim u noqon doona halganka ay Brazil ugu jirto inay usoo gudubto Koobka Adduunka, sababtoo ah ma aanay guuleysanin afar ciyaarood oo ka mid ahaa kulamada isreeb-reebka, waxaana laga badiyey saddex ciyaarood oo isku-xigay, iyadoo Argentina ay ku garaacday garoonka Maracana, sidaasna kusoo afjartay rikoodhkii guul-darro la’aanta waqtiga dheer ee Argentina uga yaallay garoonkaas.

Dorival Júnior ayaa xulkiisa kusoo daray Estevao Willian oo ah weeraryahan da’yar ah oo u dheela Palmeiras oo ay da’diisu tahay 17 jir, kaas oo dhowaan ay Chelsea la gaadhay heshiis. Waxa kale oo xulka loogu yeedhay Pedro oo ah ciyaartoyga hoggaaminaya gool-dhalinta kooxda Flamengo.

Ederson ayaa sidoo kale kusoo laabtay xulka qaranka Brazil oo uu ka maqnaa ciyaarihii Copa America 2024 oo uu dhaawac ku seegay, halka afarta ciyaartoy ee Real Madrid ee Vinicius Junior, Rodrygo Goes, Edrick iyo Eder Militao.

Si lama filaan ah, waxa xulka Brazil looga reebay garabka weerarka Barcelona ee Raphinha.

Xulka qaranka Brazil oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Alisson (Liverpool), Bento, Ederson (Manchester City)

Difaacyahanno: Danilo (Juventus), Yan Couto (Borussia Dortmund), Guilherme Arana (Atlético Mineiro), Wendell (Porto), Beraldo (PSG), Éder Militão (Real Madrid), Gabriel Magalhães (Arsenal)
Marquinhos (PSG)

Khadka Dhexe:L André (Fluminense), Bruno Guimarães (Newcastle), Gerson (Flamengo), João Gomes (Wolverhampton), Lucas Paquetá (West Ham)

Weerarka: Rodrygo (Real Madrid), Endrick (Real Madrid), Estêvão Willian (Palmeiras), Luiz Henrique (Botafogo), Pedro (Flamengo), Savinho (Manchester City) iyo Vinicius Junior (Real Madrid).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*