Spain Oo Cashar U Dhigtay Croatia, Rikoodhadii La Diiwaangeliyey & Modric Oo Is-dhiibay


Xulka qaranka Spain ayaa 3-0 ku muquuniyey Croatia kulankooda koowaad ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana waqti hore burburay xiddigaha uu hormoodka u ahaa Modric oo awoodi waayey inay caabbiyaan khadka dhexe ee firfircoon iyo xiddigaha orodka badan ee Spain.

Ciyaar waqti horeba la kala adkaaday oo qaybtii hore ay Spain xaqiijisatay inay guul ku furanayso tartanka qaramada Yurub, ayaa waxa saddexda gool qaybsaday Alvaro Morata, Fabian iyo Dani Carvajal, iyadoo ciyaartan laga diiwaangeliyey dhawr rikoodh oo cajiib ahaa.

Spain ayaa khadka dhexe kusoo ururisay ciyaartooyo da’doodu yar tahay oo firfircoon, sidoo kalena weerarka ayaa ahaa kuwo orod badan oo daaliyey ciyaaryahannada Croatia ee duqoobay.

Daqiiqaddii 29aad ayaa kubbad uu Fabian ka dhax-saaray difaacyahannada Croatia oo badhtamaha garoonka jooga waxa ka daba-baxay Alvaro Morata oo lugta bidix ku dhamaystiray kubbada oo uu ula tegay goolhaye Livakovic, waxaana uu sidaas ku noqday ciyaartoyga saddexaad ee goolasha ugu badan ka dhaliyey tartanka qaramada Yurub.

Kaliya Michael Platini oo 14 gool dhaliyey iyo Cristiano Ronaldo oo 9 gool ka dhaliyey shan tartan oo Euro ah oo hore uu usoo ciyaaray ayaa ah labada ciyaartoy ee ka horreeya Morata dhinaca gool-dhalinta Yurub.

Afar daqiiqadood kaddib ayay Spain sii dheeraysatay hoggaanka ciyaarta oo ay keentay gool labaad oo ay ku suuxiyeen Croatia isla markaana burburiyey qorshihii ciyaareed ee tababare Zlanko Dalic.

Kubbad uu soo soo farsameeyey Pedri ayaa waxa uu xerada ganaaxa ugu dhiibay Fabian oo isaguna goysmo kusii dawakhiyey difaacyahannada Croatia kaddibna darbad xooggan ku misaamay goolka oo shabaqa ku hubsaday.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Spain keentay gool saddexaad oo uu u dhaliyey Dani Carvajal oo hadiyad ka helay Lamine Yamal oo noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid ciyaara tarrtanka qaramada Yurub, sidoo kalena noqday ciyaartoygii ugu d’ada yaraa ee abid caawiya gool tartanka qaramada Yurub.

Croatia ayaa iska lumisay rikoodhe waqti dambe ahaa oo goolhaye Simon uu ka badbaadiyey Petkovic, halka Marc Cucurella uu isaguna badbaadiyey kubbad gool loo qaatay oo meel dhow lagaga toogtay goolkiisa.

Spain iyo Croatia oo ku wada jira Group B, waxa ku wehelinaya Talyaaniga iyo Albania oo goordhow wada ciyaari doona, waxaana hormadan kasoo bixi doona labada dal ee ugu dhibcaha badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*