Enzo Maresca Oo Daboolka Ka Qaaday Sida Uu Raheem Sterling Iyo Ben Chilwell Ugu Sheegay In Aanay Mustaqbal Ku Lahayn Chelsea


Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea, ayaa daboolka ka qaaday inuu si kal iyo laab ah oo daacadnimo ah uu ula hadlay Raheem Sterling iyo Ben Chilwell oo uu u sheegay in aanay ku jirin qorshihiisa, isla markaana uu ka saaray garoonka tababarka.

Maresca ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Tababarka qayb ayay ka yihiin. Sida aan horeba u sheegay, arrintu way caddahay, wax cusubna ma jiraan.

“Wali waa ciyaartooyo Chelsea ah illaa inta ay tegayaan, laakiin suurtogal ma aha in ay helaan waqti ciyaareed. Ciyaartoyda aan waqtiga helaynin waa inay iska tagaan.

“Anigu waxa aan isku dayayaa in aan runta sheego oo aan si daacad ah u hadlo. Raheem waxa aan la hadlay ka hor intii City. Waxa aan u sheegay inuu ku dhibaatoon doono sidii uu u heli lahaa daqiqado. Chilly waa wiil wanaagsan, balse isaguna wuxuu ku dhibaatoon doonaa sidii uu daqiiqado u heli lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*