Mason Greenwood Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Ciyaaraha Caalamiga Ah – England & Jamaica Oo Isku Haysta Midkee Ayuu U Dheeli Doonaa?


Mason Greenwood ayaa dib ugu soo laabanaya ciyaaraha caalamiga ah, waxaana uu kasoo muuqan doonaa ciyaarta u dhaxaysa labada waddan ee isku haysta ee England iyo Jamaica.

Greenwood oo asal ahaan kasoo jeeda Jamaica ayaa marar badan la sheegay inay suurtogal tahay inuu u dheeli doono Jamaica, maadaama uu ku dhibaatooday xulka England oo laga caydhiyey markii ay isaga iyo Phil Foden la haasaaween gabdho reer Iceland ah sannadkii 2020, waxaana markii ugu dambaysay ee loogu yeedhay ee uu u ciyaaray England laga joogaa afar sannadood.

Xidhiidhka kubadda cagta Jamaica ayaa codsi rasmi ah u diray Mason Greenwood, waxaanay usoo jeediyeen inuu u ciyaaro xulka dalkooda maadaama waddanka uu ku dhashay ee England uu ku dhibaatooday.

Laacibkan oo dhowaan ku biiray kooxda Marseille ee ka dhisan waddanka Faransiiska oo 30 milyan oo Gini kaga iibsatay Manchester United, kaddib sannad uu amaah kusoo qaatay Getafe oo uu bandhig fiican sameeyey, ayaa waxa hadda dib loogu yeedhayaa xulka England si ay uga joojiyaan inuu u dheelo xulka Jamaica.

22 jirkan ayaase go’aansaday in uu u dheelo Jamaica, sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska, waxaana sidaas kusoo afjari doonaa waayihiisii xulka England ee waqtiga kooban kusoo dhamaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*