RASMI: Xulka Qaranka England Ee EURO 2024 Oo Lagu Dhawaaqay


Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa soo saaray liiska 26ka ciyaartoy ee dalkiisa uga qayb-geli doona ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024 ee lagu qabanayo waddanka Germany.

Gareth Southgate ayaa waxa uu hore usoo saaray liis hordhac ahaa oo ka koobnaa 33 ciyaartoy, waxaase uu ka saaray toddoba ciyaartoy oo dheeraad ku ahaa liiska kama dambaysta ee ay UEFA ogoshahay oo ah 26 ciyaartoy

James Maddison, Harry Maguire, Curtis Jones, Jack Grealish, Jarrad Branthwaite, James Trafford iyo Jarrell Quansah ayaa noqday ciyaartoyga uu Gareth Southgate ka saaray xulkiisa ee aan qaybta ka noqon doonin ciyaartoyda dalkaas ee u dagaallami doona sidii ay usoo afjari lahaayeen abaarta dhinaca koobabka ee haysatay tan iyo 1966kii oo ahayd waqtigii ay ku guuleysteen Koobka Adduunka, wax dambena aanay ku guuleysanin intii waqtigaas ka dambaysay.

Labada da’yar ee khadka dhexe ee Kobbie Mainoo iyo Adam Wharton oo bandhig cajiib ah ka sameeyey garoomada xilli-ciyaareedkii tegay ayaa ka mid noqday xulka England, sidoo kalena Ivan Toney oo kasoo noqday ganaax siddeed bilood uu ku maqnaa oo ciyaaraha lagaga joojiyey ayaa isaguna ka mid noqday xulka, halka da’yarka Chelsea ee Cole Palmer uu ka mid yahay ciyaartoyda guusha laga sugayo.

Halkan kaga bogo liiska xulka qaranka England ee Euro 2026

Goolhayeyaal: Dean Henderson (Crystal Palace), Jordan Pickford (Everton), Aaron Ramsdale (Arsenal)

Difaacyahanno: Lewis Dunk (Brighton), Joe Gomez (Liverpool), Marc Guehi (Crystal Palace), Ezri Konsa (Aston Villa), Luke Shaw (Man Utd), John Stones (Man City), Kieran Trippier (Newcastle), Kyle Walker (Man City)

Khadka Dhexe: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Conor Gallagher (Chelsea), Kobbie Mainoo (Man Utd), Declan Rice (Arsenal), Adam Wharton (Crystal Palace)

Weerarka: Jude Bellingham (Real Madrid), Jarrod Bowen (West Ham), Eberechi Eze (Crystal Palace), Phil Foden (Man City), Anthony Gordon (Newcastle), Harry Kane (Bayern Munich), Cole Palmer (Chelsea), Bukayo Saka (Arsenal), Ivan Toney (Brentford), Ollie Watkins (Aston Villa)

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*