Arsenal Oo Loo Tilmaamay Saxeexa Ugu Muhiimsan Ee Ay U Baahan Tahay Xagaagan


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo sheegay ciyaartoyga ugu muhiimsan ee ay u baahan yihiin inay la saxeexdaan suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, si ay horyaalka Premier League ugula tartami karaan Manchester City iyo naadiyada kale ee uu hungurigu kaga jiro.

Arsenal oo laba sannadood oo isku xigta waqti dambe lumisay hoggaanka horyaalka Premier League, ayaa waxa bishii hore ee May laba dhibcood oo kaliya kaga qaadday Mancheter City oo illaa ciyaartii ugu dambaysay ay loollamayeen.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu kooxdiisa xoojiyo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaana boosaska uu sida weyn u doonayo ka mid ah weeraryahan dhexe oo goolal badan dhalin karaya, inkasta oo kooxdiisu ay goolal badan dhalisay xilli-ciyaareedkii tegay, sidoo kalena ahayd kooxda ugu difaaca wanaagsan.

Xagaagii hore, Arsenal ayaa kharash garaysay £165 milyan oo Gini oo ay kasoo bixiyeen ciyaartooyo ay ka mid ahaayeen Declan Rice iyo Kai Havertz oo labaduba bandhig fiican sameeyey, haddana waxa ay diiraddoodu saaran tahay Benjamin Sesko oo weerarka dhexe ah, Bruno Guimaraes iyo Amadou Onana oo iyaguna khadka dhexe uga dheela kooxaha Newcastle iyo Everton.

Laakiin halyeygii Arsenal ee Bacary Sagna ayaa rumaysan in meesha ay ka liidato Arsenal aanay ahayn khad dhexe iyo weerar midna, balse waxa uu tilmaamay inuu jiro saxeex kale oo ka muhiimsan wax walba oo ay tahay in ay kooxdu samayso.

Bacary Sagna oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Saxeexa ugu muhiimsan ee ay tahay in Arsenal ay samayso xagaagan, waa inay Mikel Arteta heshiis cusub ka saxeexdo. Waa in ay hubanti la’aanta ka saarto mustaqbalkiisa maadaama 12 bilood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa.

“Sababta ay Arsenal ugu tartamayso koobabku, waa Mikel Arteta, laakiin haddii isaga uu mustaqbalkiisu hubanti la’aan noqdo, waxa iman doonta niyad-jab iyo kala daadsanaan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*