Xiddig Dhowaan Saxeexay Heshiis Cusub Oo Go’aansaday Inuu Ka Tago Arsenal


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa qarka u saaran inay lumiso xiddig dhowaan u saxeexay heshiis cusub oo waqti dher ah oo uu qorshuhu ahaa inuu cimrigiisa oo dhan ku qaato Emirates Stadium, hase yeeshee hadda ay isbeddeshay xaaladdiisu oo bixitaan isku diyaarinaya.

Arsenal ayaa waxa ay ka walaacsan tahay mustaqbalka xiddigeeda khadka dhexe ee Reiss Nelson oo ay kasoo go’day inuu ka tago Emirates Stadium, inkasta oo sannad ka hor uu saxeexay heshiis cusub.

24 jirkan oo Arsenal kusoo biiray sannadkii 2008 isagoo ay waqtigaas da’diisu ahayd siddeed jir, ayaa usoo dallacay kooxda koowaad isaga oo kulankiisii koowaad saftay xilli-ciyaareedkii 2017/18, hase yeeshee waxa amaaho loogu diray Hoffenheim oo horyaalka Bundesliga ee Germany ah iyo Feyenoord oo ka dhisan Holland.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Reiss Nelson oo qandaraaskiisii cusbaa uu ahaa far sannadood ayaa ku qancay in aanu tababare Mikel Arteta fursad ka siinayn kooxdiisa oo uu ku ciilayo kursiga kaydka sidaas daraadeedna ay habboon tahay inuu iskaga tago xagaagan.

Mike Arteta ayaa hore u sheegay in xagaagan ay qiimayn doonaan xaaladda Reiss Nelson, kaddibna ay go’aan ka gaadhi doonaan dookhyada horyaalla, waxaana la sheegayaa in Gunners ay ku iibin karayso £20 milyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*