Manchester United Oo Laga Afduubanayo Dheemanka Reer England Ee Kobbie Mainoo – Kooxdee Ka Qafaalanaysa?


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa halis ugu jirta inay lumiso dheemankeeda khadka dhexe ee Kobbie Mainoo, waxaana ka xoogaysa koox weyn oo reer Yurub ah oo qorshaysay qaabkii ay laacibkan uga xoogi lahayd Red Devils.

Manchester United oo dhinaceeda ku dedaalaysa inay heshiis cusub ka saxeexdo Kobbie Mainoo ayaa waxa soo gaadhaysa xogta ah in lala maaggan yahay weerar culus oo sababi kara in laaci bkani uu ka hanqal taago inuu sii joogo Old Trafford.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku ku warramayso, kooxda horyaalka LaLiga ee Barcelona ayaa doonaysa inay la saxeexato Kobbie Mainoo, waxaanay diyaarinayaan dalab ay u bandhigayaan kubbad-sameeyahan oo ay ku riixi doonaan in aanu qandaraas cusub u saxeexin kooxdiisa.

Kobbie Mainoo oo Manchester United ay saddex jibbaar uga dhigayso mushaharkiisa, ayaa ka sokow Barcelona, waxa uu soo jiitay kooxo kale oo waaweyn oo reer Yurub ah oo raadinaya dariiqii ay u mari lahaayeen 18 jirkan oo hadda ka tirsan ciyaartoyda xulka qaranka England.

Manchester United oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay ayuu boos joogto ah ka helay oo uu lama-taabtaan u ahaa tan iyo bishii November, waxaana uu gool muhiim ahaa dhaliyey finalkii FA Cup ee ay ku garaaceen Manchester City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*