DEG-DEG: Yurub Oo Rikoodh Layaableh U Diiwaangelisay Lamine Yamal Saacad Ka Hor Ciyaarta Spain vs Croatia


Rikoodhada cajiibka ah ee uu samaynayo da’yarka reer Spain ee Lamine Yamal ayaa halkooda kasii socda, waxaana saacad ka hor waqtiga ay bilaabmayso ciyaarta xulkiisa Spain iyo Croatia uu isku qoray diiwaanka xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA oo lagaga qoray meel aanay cidina uga horreynin.

Dheemanka Barcelona ayaa kusoo bilowday ciyaarta xulalka Spain iyo Croatia ee tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana uu sidaas ku noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee taariikhda Yurub dheela tartanka qaramada Yurub.

Waa rikoodh cusub oo uu laacibkani haysan doono illaa inta uu soo baxay laacib kusoo bilowda ciyaar ka tirsan tartanka qaramada Yurub oo isaga ka yar da’ ahaan.

Lamine Yamal oo ay da’diisu tahay 16 sannadood iyo 338 maalmood, ayaa waxa uu weerarka xulka Spain kula soo bilowday Nico Williams iyo Alvaro Marata, waxaana uu waajihi doonaa ciyaartooyo da’ ahaan dhali karaya iyo kuwo aabbihii ka weyn, sida Luka Modric oo ay da’diisu tahay 38 jir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*