Chelsea Oo Ka Jawaabtay Dalab Uga Yimid Liverpool Oo Ka Doonaysa Difaac Halbowle Ah


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay dalab uga yimid kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool oo ka dalbatay difaaca reer England ee Levi Colwill oo ay Blues u aragto inuu yahay halbowle ay mustaqbalka iyo waqti-xaadirkanba isticmaalayaan.

Tababaraha cusub ee Liverpool ee Arne Slot ayaa la sheegay inuu Levi Colwill u arko inuu yahay ciyaartoy anfici lahaa naadigiisa oo si fiican uga garab dheeli lahaa Virgil van Dijk oo isagana ay da’diisu sii weynaanayso, isla markaana ay kooxdu raadinayso xiddigii mustaqbalka u beddeli lahaa.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay, in Chelsea ay ka jawaabtay dalabka Liverpool e Levi Colwill oo ay u caddaysay in aanay iibinayn, isla markaana uu tababare Enzo Maresca u arko daafacan reer England inuu yahay ciyaartoygii mustaqbalka ee naadigiisa.

Levi Colwill oo ay da’diisu tahay 21 jir ayaa Chelsea kulankiisii koowaad u saftay xilli-ciyaareedkii hore, kaddib sannado uu kusoo qaatay amaaho uu ku joogay Huddersfield Town iyo Brighton & Hove Albion, waxaana xilli-ciyaareedkii tegay uu u saftay 32 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu ka dheelay difaaca dhexe iyo difaaca bidix.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa waxa ay raadinaysaa ciyaartoygii u buuxin lahaa booskii uu banneeyey Joel Matip oo si xor ah uga tegay bishan June.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*