RASMI: Xulka Qaranka Argentine Ee Copa America Oo La Shaaciyey – Correa iyo Valentin Barco Oo Laga Reebay


Tababaraha xulka qaranka Argentina ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda dalkiisa ee ka qayb-gelaya Koobka Qaramada Latin America ee Copa America 2024, waxaana laga reebay ciyaartooyo waaweyn oo aan kusoo bixin liiska kama dambaysta ah.

Lionel Scaloni ayaa kaga dhabeeyey ballanqaad uu hore u sameeyey oo ahaa inuu da’yarka Manchester United ee Alejandro Garnacho uu kusoo darayo xulka, laakiin waxa uu ka yimid ciyaartooyo la filayey inay qayb ka noqon doonaan xulka sida, Angel Correa iyo Valentin Barco.

Tartanka Copa America oo bilaabmaya shan maalmood kaddib oo ah June 20, ayaa waxa Scaloni uu xushay 26 ciyaartoy, isaga oo dhimay liis uu hore usoo saaray oo intaas ka badnaa.

Xiddigaha xulka qaranka Argentina ee Copa America oo dhamaystiran;

Goolhayeyaal: Emiliano Martinez (Aston Villa), Franco Armani (River Plate), Geronimo Rulli (Ajax)

Difaacyahanno: Gonzalo Montiel (Nottingham Forest), Nahuel Molina (Atletico Madrid), Cristian Romero (Tottenham Hotspur), German Pezzella (Real Betis), Lucas Martinez Quarta (Fiorentina), Nicolas Otamendi (Benfica), Lisandro Maritnez (Manchester United), Marcos Acuna (Sevilla), Nicolas Tagliafico (Lyon)

Khadka Dhexe: Guido Rodriguez (Real Betis), Leandro Paredes (Roma), Alexis Mac Allister (Liverpool), Rodrigo De Paul (Atletico Madrid), Exequiel Palacios (Bayer Leverkusen), Enzo Fernandez (Chelsea), Giovani Lo Celso (Tottenham Hotspur)

Weerarka: Angel Di Maria (Benfica), Valentin Carboni (Monza), Lionel Messi (Inter Miami), Alejandro Garnacho (Manchester United), Nicolas Gonzalez (Fiorentina), Lautaro Martinez (Inter Milan), Julian Alvarez (Manchester City)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*