Mushaharka Uu Luka Modric Ogolaaday Si Uu Usii Joogo Real Madrid Oo Kaa Yaabinaya


Kaddib bixitaankii Toni Kroos iyo hadal-haynta xooggan ee Nacho Fernandez ee ah in uu tegayo waddanka Sucuudiga, Real Madrid ayaa waxay u muuqataa inay ku faro-adaygi doonto ruug-caddaageeda khadka dhexe ee Luma Kodric oo uu muddo sannad ah oo kale sii joogi doono Santiago Bernabeu.

Los Blancos ayaa la sheegay inay heshiis buuxa la meel-dhigtay Luka Modric oo hore u qirtay inuu doonayo inuu usii ciyaaro Real Madrid, hase yeeshee waxa hadhsan shaacinta heshiiska oo ay ka muuqato in Modric uu sameeyey tanaasul badan.

Kabtankaxulka qaranka Croatia oo waqtigan ku sugan waddanka Germany oo uu dalkiisa ku hoggaamiyey tartanka Euro 2024 oo ay ka qayb-gelayaan, ayaa waxa uu Real Madrid ka oglaaday laba arrimood oo ay midkood la xidhiidha doorka uu ku yeelanayo kooxda oo aan muhiim u noqon doonin sidii hore iyo arrinta labaad oo ah in la dhimayo mushaharkiisa.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa waddanka Spain, Luka Modric ayaa waxa uu ka ogolaaday Real Madrid in uu dhimo 40% mushaharkii uu ka qaadan jiray Real Madrid, waana arrin si weyn loogu qaadaa-dhigayo warbaahinta oo kaliya loo turjumay inay markhaati ka tahay in uu laacibkani jecel yahay usii ciyaarista Real Madrid.

Modric ayaa mushaharkiisu uu ahaa €10 milyan oo Euro, hase yeeshee xilli-ciyaareedka 2024/25 waxa uu qaadan doonaa €6 milyan oo Euro, halka sidoo kalena aanu haysanin boos joogto ah oo uu damaanad u helayo, inkasta oo bixitaanka Toni Kroos ay ka dhigayso khadka dhexe ee loogu kalsoonida badan yahay Real Madrid.

38 jirkan oo Real Madrid kula guuleystay lix Champions League, ayaase waxa uu qorshihiisu yahay in uu xilli-ciyaareedka soo socda kooxdiisa ka caawiyo Champions League, si uu u noqdo ciyaartoyga taariikhda kubadda cagta ugu Champions League badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*