Roy Keane Oo Saadaalieyy SADDEXDA Xul Ee Midkood Uu Ku Guuleysanayo Euro 2024 Iyo Niyad-jabka Uu Ku Riday Cristiano Ronaldo


Halyeygii Manchester United ee Roy Keane ayaa saadaal ka bixiyey tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana uu xushay saddex dal oo uu sheegay in uu midkood ku guuleysan doono koobka, hase yeeshee waxa uu niyad-jabiyey oo uu meesha ka saaray xulka qaranka Portugal ee sida aadka ah loogu saadaalinayo.

Tartanka Euro 2024 oo xalay ka furmay waddanka Germany, ayaa waxa xasuuq weyn oo 5-1 ah ku furtay dalka martida loo yahay oo ku durduriyey Scotland, waxaana Roy Keane uu tilmaamay in Jarmalku aanu ahayn waddan fudud oo uu ka mid yahay kuwa ugu cadcad.

Roy Keane oo waraysi bixiyey ayaa waxa uu sheegay, in saddexda dal ee England, France iyo Germany, iyadoo Ingiriisku uu Axadda la ciyaarayo Serbia kulanka koowaad ee Group C, halka France ay Isniinta ay is-haleeli doonaan Austria oo ay ku wada jiraan Group D.

Keane oo la hadlayay ITV, ayaa la weydiiyey fursadda xulka Portugal, waxaanu ku jawaabay: “Anigu lama dhacsani yaga. Way haystaan ciyaartooyo cajiib ah, iyo weerar fiican, laakiin difaac ahaan ayaanay u wanaagsanayn. Aniga waxay ila tahay in France, England iyo Germany uu midkood ku guuleysan doono koobka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*