Bernardo Silva Oo Laba Ciyaartoy Oo Arsenal Ah Kusoo Darsaday Liiska Xiddigaha Uu Jeclaan Lahaa Inay U Wada Ciyaaraan Xulka Qaranka Portugal


Xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva ayaa soo xushay laba ciyaartoy oo Arsenal ah oo aan u dhalanin dalkiisa Portugal, kuwaas oo uu xusay inuu jeclaan lahaa inay waddankiisa u dheelaan oo ay qayb ka noqdaan tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee ka socda waddanka Germany.

Bernardo Silva oo ka tirsan xulka qaranka Portugal ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2024, ayaa waxa uu sidoo kale xusay in Cristiano Ronaldo uu yahay ciyaartoyga u qalma inuu sannadkan ku guuleysto tartanka Euro 2024.

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Roberto Martinez ayaa waxa uu liiska xulkiisa kusoo daray khadka dhexe ee Manchester United ee Bruno Fernandes iyo labada laf-dhabar ee Manchester City ee Bernardo Silva iyo Ruben Diaz.

Silva oo waraysi bixiyey ayaa wax laga weydiiyey arrimo kala duwan, waxaana su’aashii koowaad ee la su’aalay ay ku qotontay saxeexa Real Madrid ee Kylian Mbappe, waxaanu yidhi: “Hubaal weeye in Kylian Mbappe uu yahay ciyaartoy wanaagsan. Isku koox ayaanu usoo ciyaarnay, waana laacib cajiib ah. Anigu waan jecelahay.”

Intaas kaddib ayaa la weydiiyey haddii ay jiraan ciyaartooyo uu jeclaan lahaa inay xulkiisa Portugal u dheelaan tartanka Euro 2024, waxaanu ku jawaabay: “Haa, waxa aan jeclaan lahaa Declan Rice iyo Rodri oo khadka dhexe ah iyo William Saliba oo difaaca ah.”

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda uu soo xushay Bernardo Silva ayaa dhamaantood ay waddamadoodu ka qayb-gelayaan ciyaaraha qaramada Yurub, halka dalka Portugal uu Group F kula jiro waddamada Turkey, Georgia iyo Czech Republic, waxaanay ciyaartooda koowaad la dheeli doonaan Czech Republic maalinta Salaasada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*