Shaxda Manchester United Ay Ku Dheeli Doonto Xilli-ciyaareedka Dambe Kaddib Heshiiska Cusub Ee Thomas Tuchel


Kooxda kubadda cagta Manchester United waxa ay heshiis cusub ka saxeexaysaa Erik ten Hag oo sii ahaan doono tababaraheeda, waxaana meesha ka baxay khilaaf u dhexeeyey maamulka iyo macallinka reer Netherlands.

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, ayaa waxa uu Manchester United u bilowday iyadoo miisaaniyadda ay saxeexyo cusub u adeegsan karayaan ay tahay kaliya £50 milyan oo Gini, taas oo Erik ten Hag uu isku dayi doono inuu ku xoojiyo safkiisa, inkasta oo kooxdu ay qorshaynayso inay iibiso ciyaartooyo ay ka mid yihiin Casemiro, Jadon Sancho iyo Mason Greenwood oo lacagta ay ka helaan ay dib suuqa ula geli doonaan.

Saddexda ciyaartoy ee Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho iyo Rasmus Hojlund oo ah laba-taabtaanka Man United ayaa budh-dhig u noqon doona saxda tababare Erik ten Hag, halka Victor Lindelof, Christian Eriksen iyo Donny Van de Beek oo mid walba ay 12 bilood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa ay kooxdu xaraash u qorshaysay.

Dhawr ciyaartoy ayaa u calaamadsan in Manchester United ay ku xoojiso safkeeda, waxaana ugu horreeya Branthwaite oo noqonaya beddelka Raphael Varane oo shaaciyey inuu ka tegayo kooxda, sidoo kalena khad dhexe oo cusub ayay Man United doonaysaa inay la saxeexato, waxaana hore liiskooda ugu jiray Palhinha iyo Joao Neves oo labaduba reer Portugal ah oo qiimeyaashoodu u dhexeeyaan £60 milyan oo Gini illaa £84 milyan oo Gini.

Laakiin hadda waxa ay Man United qorshaheeda ka saaraysaa Palhinha iyo Neves, waxaanay u jeedsanaysaa khadka dhexe ee Monaco ee Youssouf Fofana oo qiime ahaan aad uga jaban isla markaana ay doonayaan kooxaha Arsenal iyo West Ham.

Weerarka ayaa waxa sidoo kale ay Man United u doonaysaa dhaliyaha reer Brazil ee Matheus Cunha oo u dheela Wolve iyo Michael Olise oo garabka uga ciyaara Crystal Palace, laakiin saxeexa ciyaartoydan ayaa waxa ay u baahan tahay in marka hore ay iibiyaan ciyaartoyda ku sugan Old Trafford ee aan manfaca badan u lahayn.

Halkan kaga bogo shaxda ay Manchester United qorshaynayso xilli-ciyaareedka dambe

Man United XI:Onana; Dalot, Branthwaite, Martinez, Shaw; Fofana, Mainoo; Olise, Fernandes, Garnacho; Cunha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*