DEG-DEG: Xiddigii Arsenal Ee Xanuunsayey Oo Geeriyooday


Arsenal ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ka muuqato murugo, kaddib markii la xaqiijiyey geerida xiddig muddo dheer usoo ciyaaray oo toddobaadyadii ugu dambeeyey cusbitaalka ugu jiray xanuun kusoo booqday.

Kevin Campbell oo muddo u ciyaari jiray Arsenal ayaa cusbitaalka loo qaaday bishii May, waxaana illaa waqtigaas lala tacaalayey xaaladdiisa.

Arsenal iyo Everton ayuu Kevin Campbell uga dheeli jiray weerarka, waxaana isugeyntooda uu u saftay 542 ciyaarood oo uu dhaliyey 148 gool.

War-saxaafadeed ay soo saartay Arsenal kaddb geerida Campbell ayaa lagu yidhi: “Waxa aanu la murugaysanahay geerida ku timid weeraryahankayagii Kevin Campbell oo u geeriyooday xanuun waqti kooban hayey.

“Kevin waxa uu ahaa ciyaartoy uu jecel yahay qof kasta oo kooxda ah. Dhamaantayo waxa aanu garab taaganahay saaxiibbada iyo qoyskiisa waqtigan adag. Nabad ku naso, Kevin.”

Waxa kale oo war-saxaafadeed soo saartay Everton oo iyaduna xaqiijisay geerida laacibkeedii hore oo maanta dhintay isaga oo ay da’diisu ahayd 54 jir.

Campbell ayaa waxa uu carruurnimadiisii kusoo qaatay kulliyadda da’yarta Arsenal oo uu kasoo dallacay, waxaana uu kulankiisii u horreeyey ee kooxda koowaad u saftay 1998kii, isaga oo waqtiyo koobanna amaah loogu diray Leyton Orient iyo Leicester City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*