SADDEXDII Shuruudood Ee Uu Erik ten Hag Ku Xidhay Manchester United Ka Hor Intii Aanu Ogolaanin Heshiiska Cusub


Manchester United ayaa waxa xilli-ciyaareedka dambe sii hoggaamin doona tababare Erik ten Hag oo waliba heshiis cusub u saxeexaya naadiga, kaddib markii ay isla qaateen Sir Jim Ratcliffe saddex shuruudood oo uu soo dhigay macallinka reer Netherlands.

Manchester United oo hore u raadinaysay tababareyaasha ay ka mid yihiin Thomas Tuchel iyo Mauricio Pochettino ayaanay u suurtogelin oo iska diiday, sidoo kalena Gareth Southgate ayaa diiradda saaraya xulka qaranka England oo aan dhinacooda usoo jeedsanin.

Wada-hadallo dhaxmaray Erik ten Hag iyo Thomas Tuchel ayaa waxa ay sababeen in ay isla qaataan in uu sii joogo Ten Hag oo uu waliba saxeexo heshiis cusub, waxaana sidoo kale ay maamulka kooxdu ogolaadeen saddex shuruudood oo uu ku xidhay.

Shuruudaha uu heshiiska ku xidhay ee ay kooxdu u ogolaatay ayaa waxa ka mid ahaa, in uu isagu yeesho awoodda suuqa iibka oo ciyaartoyda kooxda la keenayo uu isagu doorto. Sidoo kale, waxa uu shardi ka dhigay in Jason Wilcox oo ah agaasimaha ciyaaraha kooxdu aanu wax farogelin ah ku yeelan karin qaabka tababarka iyo xulashada, taas oo la fahamsan yahay inay ka dhalatay markii uu Wilcox soo jeediyey in Bruno Fernandes laga ciyaarsiiyo No.9-ka beenta ah finalkii FA Cup ee Man City.

Waxa kale oo uu Erik ten Hag shuruud ka dhigay in kooxda aanu dib ugu soo noqonin Jadon Sancho illaa inta uu warbaahinta marinayo raalligelin maadaama uu hore ugu tilmaamay beenaale, halka sharci kalena ahaa in qandaraaska loo kordhiyo Benni McCarthy oo ka mid ah tababareyaasha naadiga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*