DEG-DEG: Tababarihii Borussia Dortmund Oo Isku Casilay Xiddig Garoonka Kula Dagaallamay


Tababarihii kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ee Edin TerzicĀ  ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay shaqada kooxdaas oo uu ka tegayo, kaddib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah ciyaartoyda naadigiisa oo la dagaallamay.

Edin Terzic oo ay da’diisu tahay 41 jir ayaa Borussia Dortmund keenay finalka Champions League oo ay Real Madrid koobka kaga qaadday 2-0, hase yeeshee waxa shaqadiisii fiicnayd ee uu qabtay ay kusoo dhamaatay ciyaartoy ay isku dhaceen.

Tababarahan ayaa waxa ay isku dhaceen oo la dagaallamay difaaca reer Germany ee Mats Hummels oo horena warbaahinta eedaymo ugu mariyey ka hor finalkii Champions League.

Hummels ayaa waraysi uu bixiyey maalmo ka hor finalkii Champions League ee Wembley waxa uu ku yidhi: “Anigu waan cadhaysanahay sababtoo ah kuma ciyaari karto taatikada dahaban marka aanu la dheelayno naadiyada waaweyn.

“Ilama aha in aanu sidan ku socon karayno, waxay ila tahay in aanu caayayno sharaftayada annaga oo xidhan dharkayaga oo garoonkayaga joogna. Laba ciyaarood oo Stuttgart ah ayaa la naga badiyey, sidoo kale Leverkusen ayaa naga badisay.”

Si kastaba ha ahaatee, tababare Edin TerzicĀ  ayaa shaaciyey iscasilaad lama filaan ah oo timid waqti aan laga filaynin iyadoo kooxduna u arkaysay in xilli-ciyaareedkii tegay uu u ahaa mid wanaagsan, inkasta oo aanay wax koob ah ku guuleysanin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*