Rio Ferdinand Oo Magacaabay AFAR Ciyaartoy Oo Ay Waajib Tahay In Manchester United Iibiso Xagaagan


Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay afar ciyaartoy oo uu sheegay inay qasab tahay in kooxdiisa hore ay xaraashto suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, waxaana uu qirtay in ay su’aalo dul-hoganayaan Marcus Rashford iyo Casemiro.

Manchester United oo xilli-ciyaareedkii tegay uu u ahaa mid kharriban oo ay kaalinta siddeedaad ku dhamaysteen horyaalka Premier League, ayaa waxa markii dambe caawiyey FA Cup oo ay ku guuleysteen oo fursad u siinaya inay kasoo qayb-galaan tartanka Euro 2024.

Waxa waqtigaas lala xidhiidhiyey tababareyaal dhawr ah oo ay ku jiraan Mauricio Pochettino, Thomas Tuchel iyo Thomas Frank oo la filayey in midkood lagu beddelo Erik ten Hag, hase yeeshee si lama filaan ah ayay kooxdu u go’aansatay in sannadkii saddexaad uu Old Trafford caynaanka usii hayo Erik ten Hag.

Rio Ferdinand oo la hadlay wargeyska Daily Mail, ayaase usoo jeediyey kooxdiisa in ay iibiyaan afar ciyaartoy oo qaab-ciyaareedkoodu daalaa-dhacayo, waxaana uu hormood uga dhigay Harry Maguire iyo Christian Eriksen.

Waxa kale oo uu Rio Ferdinand usoo jeediyey maamulka Man United in iyagana ay iibiyaan Casemiro iyo Antony, halka uu kooxda kula taliyey inay dib usoo ceshadaan Jadon Sancho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*