YAAB: Antonio Rudiger Goolhaye Ayuu U Noqon Doonaa Real Madrid Haddii Ay Kooxdiisu La Saxeexato Erling Haaland


Difaaca kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Antonio Rudiger, waxa loo diri doonaa goolka isaga oo isku beddeli doona goolhaye haddii ay kooxdiisa Los Blancos la saxeexato weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo marar badan lala xidhiidhiyey kooxdaas.

Real Madrid oo Isniintii ku dhawaaqday heshiis shan sannadood ah oo ay la gaadhay weeraryahanka Faransiiska ee Kylian Mbappe, ayaa waxa sidoo kale ay hoggaanka u haysaa tartanka loogu jiro khadka dhexe ee reer Germany ee Florian Wirtz oo xagaaga dambe ay qorshaha ku darsatay kooxda reer Spain.

Erling Haaland ayay saxaafadda Ingiriisku sheegtay in sannadka 2025 ay suurtogal tahay in uu isaguna tago Real Madrid oo uu weerarka ugu halista badan adduunyada la abuuro Kylian Mbappe iyo Vinicius Junior.

Khabiirka ciyaaraha Fran Garrido oo la hadlay idaacadda El Chiringuito ayaa waxa wax laga weydiiyey hadal-haynta sheegaysa in Real Madrid ay la saxeexan doonto Erling Haaland sannadka dambe, isla markaana safkeeda uu kusoo biiri doono dilaa kale.

Fran Garrido oo ka jawaabayey su’aashaas ayaa yidhi: “Haddii Haaland uu yimaaddo Madrid, markaa waa in ay Rudiger ka dhigtaan goolhaye.”

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*