Cody Gakpo Oo Magacaabay Difaacii Ugu Adkaa Ee Nafta U Keenay Ee Abid Uu Ka Hor Tegay


Weeraryahanka Liverpool ee Cody Gakpo ayaa magacaabay difaacii ugu adkaa ee uu abid ka hor tegay intii uu ku jiray kubadda cagta, waxaana uu soo xushay ruug-caddaa shandaddiisa ka xidh-xidhay horyaalka Premier League oo u guuray Latin America.

Cody Gakpo oo 53 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Liverpool xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee 202324 u dhaliyey 16 gool, lix kalena caawiye ka noqday ayaa waxa la weydiiyey difaacii ugu adkaa ee uu la kulmay intii uu kubadda ciyaarayey, waxaanu markiiba lasoo booday ruug-caddaaga reer Brazil ee Thiago Silva.

39 jirkan oo si xor ah uga tegay Chelsea oo dib ugu laabtay kooxdiisii carruurnimada ee Fluminense ee ka dhisan waddankiisa Brazil ayaa la isku raacsan yahay inuu ka mid ahaa difaacyahannadii ugu wanaagsanaa kubadda cagta 20kii sannadood ee ugu dambeeyey.

Sannadkii 2020 ayaa uu si xor ah ugu soo wareegay Chelsea kaddib siddeed sannadood oo uu kusoo qaatay PSG iyo sannado kale oo uu guulo ku hoggaamiyey AC Milan. Waxa uu Blues ka caawiyey inay ku guuleysato Champions League, FIFA Club World Cup iyo UEFA Super Cup, isaga oo u saftay 155 ciyaarood.

Gakpo oo ka jawaabayey su’aasha la weydiiyey ayaa yidhi: “Su’aashan hal mar oo kaliya ayaa hore la ii weydiiyey, waan magacaabay oo waa Thiago Silva. Waxay ahayd ciyaar aan Liverpool u dheelayey oo aan ka nuuxsan waayey. Waxa uu ahaa mid caqli badan, haddana da’ ah, laakiin difaacistiisu heersare tahay. Run ahaantii aad ayuu u caqli badan yahay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*