DEG-DEG: Nasiib-darrada Ku Dhacday Harry Maguire Ee Sababaysa In Laga Saaro Xulka England


Difaaca reer England ee Harry Maguire ayay ku dhacday nasiib-darro, waxaanu halis ugu jiraa in laga saaro liiska kama dambaysta ah ee xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2024.

31 jirkan ayaan ciyaarin illaa bishii April oo ahayd waqtigii uu soo gaadhay dhaawaca muruqa ah, waxaase lagu soo daray liiska hordhaca ahaa ee tababare Gareth Southgate uu shaaciyey bishii hore oo ka koobnaa 33 ciyaartoy, waxaana jirtay rajo ah inuu taam u noqon karayo ciyaarta Axadda dambe ee ay ku furanayaan Euro 2024 ee Serbia, balse hadda rajadaas ayaa meesha kasii baxaysa.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in dhakhaatiirta xulka qaranka England ay shaki weyn ka qabaan in Harry Maguire uu awoodi doono inuu ciyaaro tartanka Euro 2024, isaga oo wali aan taam u noqonin inuu u dheelo xulkiisa.

Waxa uu ka maqnaaday ciyaartii saaxiibtinimo ee Isniintii ee Bosia and Herzegovina, sidoo kalena waxa aanu qayb ka noqon doonin ciyaarta berri ay garoonka Wembley kula ballansan yihiin Iceland.

Tababarkii maanta ayaa uu ka maqnaaday Harry Maguire, sidoo kalena waxa aan joogin Luke Shaw balse waxa soo laabtay Lewis Dunk.

Dhinaca kale, James Maddison iyo Curtis Jones ayaa ka tegay garoonka tababarka markii loo sheegay in aanay ka mid noqon doonin liiska kama dambaysta ah ee xulka qaranka England uga qayb-gelaya tartanka Euro 2024, balse Maddison ayaa la xusay in fursad loo siin doono ciyaarta saaxiibtinimo ee Iceland ee berri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*