Jude Bellingham Oo Muddo SADDEX Bilood Ah Garoomada Ka Maqnaan Doona & Real Madrid Oo Luminaysa Xiddig Muhiim Ah


Xiddiga reer England ee Jude Bellingham  ayaa ka maqnaan doona bilowga xilli-ciyaareedka soo socda ee 2024/25 oo uu muddo saddex bilood ah seegi doono ciyaaraha horyaalka LaLiga ee kooxdiisa, waxaana uu geli doonaa qalliin uu muddo u jiifi doono.

20 jirkan oo xilli-ciyaareedkiisii koowaad ee Real Madrid kula guuleystay Champions League, LaLiga iyo Spanish Super Cup, ayaa waxa uu hadda isku diyaarinayaa ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024 oo uu dalkiisa kala qayb-geli doono.

Marka uu kasoo noqdo ciyaaraha qaramada Yurub ayuuse geli doonaa qalliin lagaa samayn doono garabka oo uu dhaawac kasoo gaadhay xilli-ciyaareedkii dhamaaday, isla markaana uu inta badan ciyaari jiray isaga oo garabka loo geliyey shakaal ilaaliya.

47 ciyaarood oo uu u dheelay kooxdiisa iyo xulka qarankiisa England xilli-ciyaareedkii tegay, waxa uu inta badan la daalaa-dhacayay dhaawac soo gaadhay November 5 oo kulan ay kooxdiisa Real Madrid ay la gashay barbarro 0-0 ah uu garabka wax kaga noqday.

Sida ay ku warrantay idaacadda Cadena SER, Jude Bellingham ayaa marka laga soo noqdo ciyaaraha Yurub waxa lagu samayn doonaa qalliin, waxaana uu seegi doonaa ciyaaraha saaxiibtinimo ee ay kooxdiisu safarka ku tegayso Maraykanka iyo sidoo kale bilowga xilli-ciyaareedka, waxaase uu soo laaban doonaa waqti uu kooxda saldhigay Kylian Mbappe oo aanay bilowga hore fursad isku heli doonin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*