Xiddigaha Liverpool Oo Laga Nadiifinayo Xulka Qaranka England – Maxaa Lagu Arkay?


Xiddigaha Liverpool ee Curtis Jones iyo Jarell Quansah ayaa laga saari doonaa xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2026, iyadoo tababare Gareth Southgate uu 26 ciyaartoy kusoo koobayo liiskii uu hore u shaaciyey oo ahaa 33 ciyaartoy.

Jones iyo Quansah ayaa laga tuuri doonaa liiska xulka England, laakiin kalidood ma noqonayaan waxaase lasii ogaaday in khadka dhexe ee Tottenham ee James Maddison isagana laga saari doono xulka Egland.

Tababare Gareth Southgate oo galabta si rasmi ah ugu dhawaaqi doona 26ka ciyaartoy ee liiska kama dambaysta ah ee uu ula safri doono waddanka Germany, ayaa waxa sidoo kale uu go’aan ka gaadhayaa midka uu xulan doono Ivan Toney iyo Ollie Watkins, waxaase loo badinayaa in uu dooran dono Watkins oo waqti badan ciyaaray marka loo eego Toney oo muddo siddeed bilood ah garoomada kaga maqnaa ganaax uu ku mutaystay inuu sameeyey khamaar.

Xulka England oo Isniintii 3-0 kaga adkaaday Bosnia oo ay la dheeleen ciyaar saaxiibtinimo, ayaa waxa ay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ku bilaaban doonaan Serbia ka hor inta aanay la ciyaarin Denmark iyo Slovenia oo ay isku group yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*