Julian Alvarez Oo Laga Xoogayo City, Liverpool & Man United Oo Laga Hor Qaaday Dheemankii Ay Isku Haysteen Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Atletico Madrid ayaa la xidhiidhay saddexdeeda ciyaartoy ee reer Argentina ee ANgel Correa, Rodrigo de Paul iyo Nahuel Molina oo ay u sheegtay inay ka dhaadhiyaan Julian Alvarez inuu yimaaddo kooxdooda Atletico Mawdrid. (Marca)

Paris Saint-GFermain ayaa sidoo kale doonaysa Julian Alvarez oo aan wali ogolaanin inuu heshiiska u kordhiyo Man City maadaama uu boos la’aan ku yahay. (Fabrizio Romano)

Manchester United ayaa kula biirtay Liverpool tartanka difaaca reer France ee Leny Yoro oo ah 18 jir u ciyaara Lille, laakiin Real Madrid ayaa labadoodaba kaga horreysa tartanka laacibkan. (Marca)

Manchester City waxa ay wada-hadallo kula jirtaa tababaraheeda Pep Guardiola oo ay isla meel-dhigayaan waxa laga yeelayo mustaqbalkiisa, iyadoo Pep uu doonayo inuu ka tago kooxda dhamaadka xilli-ciyaareedka soo socda. (Telegraph)

Weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo 23 jir ah ayaa iska diiday inuu ka jawaabo wararka sheegaya in uu wada-hadallo heshiis kordhin ah kula jiro kooxdiisa Man City. (Standard)

Tottenham iyo Aston Villa ayaa hoggaaminaya tartanka loogu jiro khadka dhexe ee Chelsea iyo xulka England ee Conor Gallagher oo ah 24 jir ay sidoo kale doonayso Atletico Madrid. Gallagher ayaa la filayaa inuu ka tago Chelsea oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaska uu kula jiro. (Mail)

Weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak ayaa lala xidhiidhinayaa Arsenal, laakiin 24 jirkan ayaa ku adkaysanaya in uu sii joogi doono kooxdiisa Newcastle United oo aanu ka fikirayn inuu ka tago. (Mail)

Bayern Munich waxa ay kordhinaysaa heshiiska ay kula jirto difaaca reer Canada ee Alphonso Davies, laakiin laacibkan ayaa doonaya inuu tago Real Madrid. (Sky Sports)

Munich ayaa haddii uu ka tago Alphonso Davies waxa ay weerar ku qaadi doontaa Arsenal oo ay kasoo xoogi doonto difaaca bidix ee reer Ukraine ee Oleksandr Zinchenko. (Sky Sports)

Galatasaray ayaa doonaysa inay la saxeexato weeraryahanka reer France ee Anthony Martial, laakiin 28 jirkan ayay tahay inuu ogolaado inuu hoos u dhigo mushaharka uu dalbanayo. (ESPN)

Kooxda reer Turkey ee Besiktas waxa ay wada-hadallo la yeelatay tababarihii hore ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ka hor intii aaay magacaabin macallinkii hore ee Rangers ee Giovanni van Bronckhorst. (ESPN)

Khadka dhexe ee Fulham ee Andreas Pereira oo 28 jir ah ayaa sheegay in uu kooxdiisa kala xaajoon doono mustaqbalkiisa kaddib ciyaaraha Copa America ee dalkiisa uu kala qayb-gelayo. (UOL)

Liverpool, Tottenham, Newcastle iyo West Ham ayaa dhamaantood xiisaynaya difaaca Feyenoord ee Lutsharel Geetruida oo 23 jir ah. (AD)

Barcelona waxa ay doonaysaa khadka dhexe ee Real Sociedad ee Mikel Merino oo 27 jir ah. (Sport)

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka codsaday inuu sii joogo difaaca reer Spain ee Nacho Fernandez oo 34 jir ah, kaas oo la filayo inuu ka tago kooxda maadaama uu qandaraaskiisu dhamaaday. (Marca)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*