Alexander-Arnold Oo Noqday Xidigii Ugu Horeeyay Ee Shaaciyay Cida uu Doonayo In ay Southgate Badasho.


Xidiga kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England ee Trent Alexander-Arnold ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee xulka England ka tirsan oo shaaciyay macalinka uu doonayo in uu badalo Gareth Southgate.

Gareth Southgate ayaa shaqada xulka qaranka England iska casilay kadib niyadjankii ka soo gaadhay koobkii qaramada Yurub ee Euro2024 oo ay finalkiisii guuldaro ka soo gaadhay xulka qaranka Spain oo koobkan ku guulaystay.

Kadib markii uu Southgate shaqada iskaga tagay waxaa soo baxayay tiro badan oo tababarayaal ah oo lala xidhiidhinayo xulka qaranka England laakiin difaaca midig ee Trent Alexander-Arnold ayaan qarsan cida uu la doonayo in uu noqdo badalka Southgate.

Trent Alexander-Arnold ayaa doonaya in macalinkiisii Liverpool ee Jurgen Klopp in uu noqdo badalka Southgate.

Trent Alexander-Arnold ayaa isaga oo ka hadlaya is casilaadii Southgate waxa uu yidhi: “Waxa ay la mid ahayd sidii aan dareemay markii uu baxayay macalinkayga kooxda ee Jurgen Klopp. Iyagu waa dadkii isiiyay kulamadaydii ugu horeeyay ee riyooyinkyaga rumeeyay”.

Markii Arnold la waydiiyay in Jurgen Klopp uu noqondo macalinka cusub ee England wuxuu ku jawaabay: “Anigu waxaan ku raaxaystay daqiiqad kasta oo aan isaga la soo shaqeeyay, waxaanu wadaagnaa xusuuso layaableh, waxaanu yeelanay xidhiidh cajiib ah, xidhiidh adag, sidaa daraadeed, dabcan haddii ay dhacdo (in Klopp la wareego England), waxaanu ka bilaabi doonaa halkii ay noo joogtay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*