Sababta Lama Filaanka Ah Ee Ay Manchester United U Iibinayso Bruno Fernandes Oo La Shaaciyey


Lee Sharpe oo u ciyaari jiray Manchester United intii u dhaxaysay 1988kii illaa 1996kii, una saftay 193 ciyaarood ayaa sharraxay sabab lama filaan ah oo ku qasbaysa Manchester United inay iibiso kabtankeeda Bruno Fernandes suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Xiddiga reer Portugal ayaa oo shaki la gelinayey mustaqbalkiisa tan iyo markii ay ku guuleysteen koobka FA Cup bishii hore, ayaa waxa ay saxaafadda Ingiriisku sheegaysaa in uu tegayo Bayern Munich oo si weyn u doonaysa inay ku xoojiso safkeeda.

Fernandes oo heshiis cusub oo uu saxeexay uu ka dhigayo mid ka mid ah ciyaaryahannada ugu mushaharka badan Old Trafford, ayaa waxa uu saluugsan yahay koobab la’aanta kooxdiisa iyo in heerkoodu uu hooseeyo oo waliba ay ka maqnaan doonaan tartanka Champions League.

Lee Sharpe oo ka hadlay sababaha kallifi karaya in Manchester United ay iibiso 29 jirkan oo sannadkii 2020 ay kala soo wareegeen Sporting Lisbon, ayaa waxa uu sheegay in saluug uu laacibkani ka qabo kooxda iyo in qolka labbiska uu kusoo bandhigo qanacsanaan la’aantiisu ay keeni doonto in la iibiyo. Waxa kale oo uu xusay in Sir Jim Ratcliffe uu isaguna saluugsan yahay sida qaab ciyaareedka laacibkan ee marka uu ku dhowaado xerada ganaaxa markaas oo aanu lahayn goysmo iyo jiidis ay ku ladhan tahay indho-dheeri, inkasta oo haddana uu goolal badan dhaliyo.

Lee Sharpe ayaa waxa uu usoo jeediyey Manchester United inay la saxeexdaan ciyaartoy kale oo weyn oo goolal badan dhalin kara, sidoo kalena leh hal-abuur kubbadeed iyo hoggaamin haddii ay iibiyaan Bruno Fernandes.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*