DEG-DEG: Harry Maguire Iyo Jack Grealish Oo Laga Saaray Xulka Qaranka England


Xiddigaha Manchester United iyo Manchester City ee Harry Maguire iyo Jack Grealish ayaa laga saaray liiska xulka qaranka England ee kama dambaysta ah ee ka qayb-geli doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024.

Maguire oo la daalaa-dhacaya dhaawac ayaa uu Gareth Southgate go’aansaday in uu ka saaro xulka qaranka maadaama uu ka maqnaaday tababarkii toddobaadkii ugu dambeeyey ay samaynayeen ciyaartoydu, sidoo kalena uu awoodi waayey kulamada saaxiibtinimo ee usbuucan.

Waxa sidoo kale uu Gareth Southgate liiskiisa kama dambaysta ah ee 26ka ciyaartoy ee xulka qaranka England ee 2024 uu ka saaray Jack Grealish oo xilli-ciyaareedkan la daalaa-dhacaya dhaawacyo kusoo noqnoqday oo hoos u dhigay qaab ciyaareedkiisa.

Xalay ayaa sidoo kale uu tababaraha xulka qaranka England ku wargeliyey ciyaartoyda kala ah James Maddison, Curtis Jones iyo James Trafford in aanay qayb ka noqon doonin xulkiisa oo ay ka mid noqonayaan toddobada ciyaartoy ee uu ka saarayo.

Difaacyahannada da’da yar ee Liverpool iyo Everton ee Jarell Quansah iyo Jarrad Branthwaite ayaa sidoo kale la filayaa inay liiska ciyaartoyda xulka qaranka England ka baxaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*