Xiddiga Lagu Tilmaamo ‘Haaland-ka Cusub’ Oo Sharraxay Sababtii Uu Ku Diiday Manchester United


Benjamin Sesko ayaa si weyn loola xidhiidhiyey in uu tegayo Manchester United xagaagii, waxaase iska diiday laacibkan oo haddana sharraxaad ka bixiyey sababta uu iskaga diiday inuu tago Old Trafford iyo horyaalka Premier League.

30 jirkan oo hoggaamiye u ah kooxda reer Germany ee RB Leipzig oo uu kaga soo biiray RB Salzburg, ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo inuu sii joogo horyaalka Bundesliga, isla markaana Manchester United uu u arkayay koox aan ku habboonayn qaab-ciyaareedkiisa.

Benjamin Sesko oo u dhashay waddanka Slovenia ayaa yidhi: “Arrintu waxay ahayd, in aanan anigu marnaba ku lug yeelanin arrimaha sheekada [Man United], waxaana ii fiicnayd in aan imaaddo halkan [RB Leipzig].

“Waxa muhiim ii ahayd in aan tago meel ku habboon qaab-ciyaaraygayga. Hore waan u ogaa in aanay waqti igu qaadanayn in aan halkan la qabsad.”

Mar la weydiiyey in uu doonayo in uu horyaalka Premier League tago, waxa uu sheegay in uu heshiis soconaya illaa sannadka 2028 uu kula jiro Leipzig, laakiin mustaqbalka ay fiican tahay in uu mar uun ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska.

Benjamin Sesko ayaa waxa uu sidoo kale u jawaabay dadka barbar-dhiga weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland, waxaana uu yidhi: “Aniga way i dhiirigelisaa isbarbar-dhigaasi, waxaanay isiisaa tamar. Laakiin wax cadaadis ama culays ah iguma keeno, waxa aan isku dayi doonaa in aan barto oo aan sidiisa oo kale u ciyaaro.

“Ciyaartoyda kooxdaydu waxay ii sheegaan in aan ahay Haaland oo kale amaba aanu aad iskugu dhownahay, gaar ahaan marka ay noqoto xawaaraha. Dadka intooda badan waxay ii sheegaan in aan xataa kaba fiicnaan karo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*