Manchester United Oo Iska Xaadirisay Wareegga Afraad Ee Carabao Cup


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul weyn oo 3-0 ah ku bilaabatay difaacashada tartanka Carabao Cup, waxaanay garonka Old Trafford dhax jiid-jiidday Crystal Palace oo ay dhaawacyo ragaadiyeen intii ay ciyaartu socotay oo saddex ciyaartoy laga saaray.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Alejandro Garnacho, Casemo iyo Anthony Martial ayaa Manchester United siiyey inay iska xaadiriso wareegga afraad ee Carabao Cup, waxaanay halkaas uga sii dagaallami doonaan ku guuleysiga tartanka.

Manchester United oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 21aad oo uu Alejandro Garnacho xerada ganaaxa ka helay kubbad uu kasoo shaqeeyey Diogo Dalot oo uu dhawr difaac kasoo dhax-saaray.

Da’yarka reer Argentina ayaa kubadda uga hormaray difaac ay isku dheggenaayeen oo lugta midig u adeegsaday in uu ku hubsado shabaqa, iyadoo sidaas Red Devils ku qabatay hoggaanka.

Garnacho ayaa noqday aftax wanaagsan oo kooxdiisa u xaqiijiyey in ay si fudud ku heli karayaan guusha ciyaartan, waxaana waxyar kaddib fursad fiican helay Casemiro oo laga badbaadiyey kubbad.

Lix daqiiqadood oo kaliya kaddib ayay ku qaadatay Casemiro in uu isku qoro diiwaanka goolasha kooxdiisa, waxaana uu madax ku qabtay kubbad koorne ahayd oo uu soo tuuray Mason Mount oo kasoo noqday dhaawac.

Qaybta hore oo ay Manchester United heshay fursado badan ayaa waxa ay ku nasatay hoggaan 2-0 ah, hase yeeshee markii lasoo noqday ayay wiilasha Erik ten Hag halkii kasii wateen maamulka ciyaarta iyo inay weerarkooda sii firfircoonaysiiyaan.

Xiddiga reer France ee Anthony Martial ayaa Manchester United u dhaliyey goolka saddexaad toban daqiiqadood markii ay socota qaybta labaad, isaga oo si xarrago leh u dhamaystiray kubbad uu goolka hortiisa la tegay oo uu goolhayuhu awoodi waayey in uu joojiyo.

Ten Hag ayaa inta badan qaybta dambe xarrago ciyaarayay, iyadoo uu keenay Hojlund oo fursadihii uu helay ka faa’iidaysan waayey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*