Qalad Uu Sameeyey Ter Stegen Oo Laba Dhibcood Ka Lumiyey Barcelona


Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa bararro niyad-jab ah ka tuugtay kooxda yar ee Real Mallorca oo laba jeer goolal kala hormartay qaybtii hore kulan kusoo dhamaaday barbarro 2-2 ah oo uu Xavi Hernandez ka shalaaynayo go’aamadii uu qaatay ciyaarta ka hor.

Barcelona ayaa laba jeer ka daba timid Real Mallorca oo goolal kala hormartay, iyadoo beddello uu sameeyey Xavi ay ka caawiyeen in ay hal dhibic oo waqti dambe ah kasoo helaan Estadi Mallorca Son Moix oo inta badan ay iyagu kubadda ku daadahaynayeen laakiin ay ka maqnayd sirta dhalinta goolashu.

Daqiiqadii 8aad ee bilowga ciyaarta ayay Mallorca u dabbaal-degtay goolkeeda koowaad oo uu u dhaliyey Vedat Muriqi oo ahaa xiddiga garoonka oo ka faa’iideeyey kubbad uu ka helay Antonio Sánchez.

Goolkan ayaa waxa sabab u ahaa qalad xun oo uu sameeyey goolhaye Ter Stegen oo baas uu difaaciisa u dhiibayey lugta u geliyey Real Mallorca oo ay weerarkeedu si fiican uga faa’iidaysteen.

Barcelona oo ogsoonayd in ay hoggaanka si buuxda iskugu ballaadhinayso oo ay ka baxsanayso Girona oo ay isku dhibco ahaayeen ayaa ku dedaashay in ay qaybta horeba ciyaarta barbarro ka dhigto.

Weeraryahanka reer Brazil ee Raphinha oo lagu ciilay kursiga kaydka xilli-ciyaareedkan, ayaa shabaqa soo taabtay ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaanu goolkiisu yimid daqiiqaddii 41aad.

Laakiin Mallorca oo kaashanaysay garoonkeeda Estadi Mallorca Son Moix ee ay taageereyaashu usoo camireen ayaa mar kale hoggaanka la wareegtay ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada iyadoo ay socdeen daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu diyaray ciyaarta.

Kubbad uu soo laaday goolhayaha Real Mallorca ee Predrag Rajković  ayaa waxa madax kusii taabtay Vedat Murigi, waxaanay dhaaftay difaacyahannada oo uu orod kaga dheereeyey Abdón Prats oo dhamaystiray.

Goolka labaad ee Real Mallorca ayaa waxa kaliya oo kubaddiisa taabtay Vedat Muriqi oo badhtamaha garoonka joogay ka hor intii aanay u tagin Prats.

Daqiiqaddii 75aad ayaa waxa Barcelona goolka barbarraha u dhaliyey laacibka dada’yar ee Fermín López oo beddel kusoo galay, halka rikoodhe laga diiday Lamine Yamal iyo Joao Cancelo.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Barcelona ay afar dhibcood lumisay toddoba ciyaarood oo horyaalka ah, waxayse haysaa hoggaanka iyaga oo leh 17 dhibcood, balse Girona oo Arbacada ciyaaraysa ayaa 16 dhibcood haysata, halka Real Madrid ay iyaduna leedahay 15 dhibcood oo ay hal dhibic dhaafi doonto Barca haddii ay guuleysato.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*