15 Jirka AC Milan Ee Dhaliyey 500 Gool Oo Dagaal Ka Dhax-abuuray Kooxaha Yurub


Kooxaha waaweyn oo reer Yurub ah oo ay ku jirto Manchester City ayaa raadinaya saxeexa ciyaartoy ay da’diisu yar tahay oo ka tirsan AC Milan oo dhaliyey in ka badan 500 gool waqti kooban oo uu ku jiray kubadda cagta.

Francesco Camarda oo ay da’diisu tahay 15 jir, ayaa waxa uu adduunyada ku kasbaday gool-dhalintiisa cajiibka ah ee mucjisada lagu tilmaamay.

Kooxda carruurta AC Milan ayuu Francesco Camarda u dhaliyey in ka badan 500 gool oo uu ku galay diiwaanka Rossoneri oo uu mar horeba ka noqday ciyaartoyga goolasha ugu badan u dhaliyey da’yartooda.

Waxa kale oo uu jabiyey rikoodho badan oo horyaalka Serie A ee heerka da’yarta, waxaana ugu dambeeyey gool uu Sasoulo ka dhaliyey horraantii bishan, markaas oo uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee dhashay sannadkii 2008 ee gool ka dhaliya Primavera.

Sida uu qoray wargeyska Calcio Mercato, Francesco Camarda oo ah ciyaartoy aanay difaacyahannadu joojin karayn ayaa waxa raadinaya kooxaha Manchester City iyo Borussia Dortmund oo ku dagaallamaya saxeexiisa.

Xilli-ciyaareedkii 2017/18 ayuu Francesco Camarda 40 kulan oo uu u saftay kooxda da’yarta waxa uu u dhaliyey 247 gool, halka xilli-ciyaareedkii xigay ee 2018/19 uu dhaliyey 172 gool kaliya 31 ciyaarood oo uu saftay.

Halkaa kuma istaagin e, xilli-ciyaareedkii 2019/20 ayaa uu Francesco Camarda u saftay naadigiisa AC Milan oo heerka da’yarta ah 16 ciyaarood oo uu dhaliyey 64 gool, taas oo ka dhigan in saddex sannadood gudahood uu ku dhaliyey 483 gool kaliya 97 kulan oo uu saftay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*