Manchester United Oo Suuqa Dhigtay Jadon Sancho Iyo Qorshaha Ay Dib Ugu Ceshanayso Borussia Dortmund


Kooxda kubadda cagta Manchester United waxay go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag, isla markaana laga mamnuucay in uu soo dhax-galo ciyaartoyda kooxda iyo inuu yimaaddo garoonka tababarka waqtiga ay xiddigaha kooxda koowaad ku sugan yihiin.

Sancho ayaa meel gaar ah tababarka ku qaadanayay wixii ka dambeeyey ciyaartii guul-darrada ee Arsenal ay ku garaacday 3-1 bishii hore, markaas oo uu tababarihiisa ku tilmaamay beenaale isaga oo ka jawaabayay hadal uu macallinka reer Netherlands sheegay.

23 jirkan ayaa sidoo kale diiday in uu raalligelin ka bixiyo falka uu ku kacay, waxaana halkii laga sugayay in uu qoraal raalligelin ah kusoo qoro barihiisa bulshada uu go’aamiyey in gebi ahaanba uu hawada ka saaro bartiisa Instagram.

Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany, Jadon Sancho ayaa waxa doonaysa Borussia Dortmund oo uu usoo ciyaaray 2017kii illaa 2021, waqtigaas oo ahaa intii ay kubaddiisu qaangaadhka noqonaysay.

Dortmund ayaa doonaysa in ay dib usoo ceshato xiddigeedan hore, hase yeeshee Manchester United ayaa la sheegay in ay dalbanayso lacag dhan £52 milyan oo Gini, balse Dortmund ayaa waxa uu qorshaheedu yahay in bisha January lagu siiyo amaah ay wehelinayso dookh ah inay la saxeexan karto marka la gaadho xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*