Saxeexa cusub ee Liverpool ee Wataru Endo oo xagaagii ay kala soo wareegeen kooxda horyaalka Bundesliga ee Stuttgart, ayaa la weydiiyey ciyaartoygii uu la yaabay muddadii koobnayd ee uu joogay Anfield, kaas oo uu ka eegay dhinaca dedaalka iyo qaab-ciyaareedka.
Xiddiga reer Japan ee Wataru Endo oo Liverpool ay kasoo bixisay £17.5 milyan oo Gini, ayaa shan ciyaarood u saftay kooxdiisa cusub, kuwaas oo laba ka mid ah oo uu kusoo bilowday waqti hore la saaray, saddexda kalena uu beddel ku yimid waqti dambe.
Endo oo u warramayay website-ka kooxdiisa, ayaa la su’aalay in uu ka sheekeeyo waxa uu kula kulmay kooxdiisa cusub iyo xaaladda ciyaartoyda, waxaanu ku jawaabay: “Dhamaan ciyaartoyda xirfaddoodu aad bay u sarraysaa, waxaana ku jira goolhaye Alisson oo ay ila tahay inuu yahay kan ugu wanaagsan.
“Waxa aan lasoo ciyaaray goolhayeyaal badan, laakiin waligay ma arag ciyaartoy awood ugu leh in uu sidaa cajiibka ah u joojiyo kubadda. Dabcan, weeraryahannadu waxay ku ciyaarayaan xirfad sare, kuwa kalena aad ayay u sarraysaa xirfaddoodu, laakiin Alisson waxa uu leeyahay awood uu si cajiib ah ugu maamulo kubbadaha xooggan ee lagu soo laado.
“Waxa uu kooxda ka badbaadiyaa xaalado badan oo khatar ah, waana ciyaartoy xoog weyn.”
Si kastaba ha ahaatee, Alisson Becker ayaa si fiican ku bilowday xilli-ciayareedka 2023/24, waxaana uu sameeyey badbaadinno badan oo cajiib ah oo kooxdiisa ka caawiyey in aan hal-marna laga badin toddoba ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay dheeshay.
Be the first to comment