Waa Sidee Xaaladda Declan Rice Oo Ka Dhaawacmay Arsenal?


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo sheegay in aanu halis badan ahayn dhaawaca soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Declan Rice oo dabaday in la beddello qabta hore ee ciyaartii Tottenham ee Axaddii.

Rice ayaa la sheegay in uu xanuun ka dareemay muruqa iyo dhabarka, waxaana uu Mikel Arteta xaqiijiyey in uu ciyaartoygu ka dalbaday in la saaro, isla markaana ay layaab ku noqotay arrintaasi.

24 jirkan oo xagaagii dhowaa ay Arsenal kaga soo iibsatay West Ham lacag dhan £105 milyan oo Gini, ayaa waxa la sheegay in uu diyaar u noqon doono kulamada usbuuca dambe ee horyaalka Premier League laakiin ay waqti hore ku tahay ciyaarta Brentford ee tartanka Carabao Cup.

Tababare Mikel Arteta oo ka hadlay dhaawaca Mikel Arteta ayaa isaguna yidhi: “Waxa uu xanuun ka dareemay dhabarka. Waxa uu noo sheegayay qaybtii hore in aanu deggenayn, markii aanu qiimaynay xalaaddiisa waqtigii nasashada, waxa noosoo baxday in aanu sii ciyaari karayn, waananu beddelnay.”

Sida ay warbaahinta Ingiriisku ku warramayso, Declan Rice waxa uu kusoo noqon doonaa garoomada maalinta Sabtida oo ay Bournemouth la ciyaari doonaan, iyaga oo u halgami doona inay kusoo noqdaan tubta guusha, hase yeeshee uu ka maqnaan doono ciyaarta Brentford ee habeen dambe ee Carabao Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*