Ma Sidanoo Dhan Buu U Neceb Yahay? Sir Alex Ferguson Oo Magacaabay Koox Aanu Doonayn Inay Ku Guuleysato Horyaalka


Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa magacaabay hal koox oo aanu doonayn in uu arko iyaga oo ku guuleysanaya horyaalka xilli-ciyaareedkan, taas oo uu qarsan kari waayey sida uu uga soo horjeedo inay ku guuleystaan horyaalka xilli-ciyaareedkan.

Saddexda kooxood ee Liverpool, Manchester City iyo Arsenal ayaa ku dagaallamaya horyaalka Premier League oo ay toban ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin waqtiga lasoo gabogabaynayo.

Horyaallada kale ee Yurub ayaa u muuqda in lagu kala calaf-qaaday, balse Premier League waxa la isku dheggenaan doonaa illaa ciyaarta ugu dambaysa.

Real Madrid ayaa LaLiga siddeed dhibcood ku hoggaaminaysa, PSG ayaanay cidina kusoo dhoweyn halka Inter Milan la caleemo-saari doono iyadoo shan ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka, sidoo kalena Bundesliga ayay Bayer Leverkusen toban dhibcood ka horreysaa Bayern Munich.

Sir Alex Ferguson oo la hadlay website-ka kooxda Eintracht Frankfurt ayaa la weydiiyey koox uu kasoo horjeedo inay ku guuleysato horyaalka ayaa waxa uu markiiba lasoo booday kooxda lama filaan ah oo aan ka dhisnayn Ingiriiska.

Ferguson ayaa waxa uu sheegay, in aanu doonayn in ay indhihiisu qabtaan kooxda reer Germany ee Bayern Munich, waxaanu yidhi: “Anigu waxa aan doonayaa in koox kale ku guuleysato horyaalka. Taageereyaasha Bayern way igaga soo horjeedsan doonaan, laakiin waxa igu waafaqsan taageereyaasha dhaxdhaxaadka ah ee Germany, waxaanan rajaynayaa in aan arko koox kale oo ku guuleysanaysa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*