Bruno Fernandes Oo Sharuud Ku Xiray Inuu Hogaamiyo Waayaha Cusub Ee Man United Ee Sir Jim Ratcliffe


Bruno Fernandes ayaa u sheegay milkiilaha saamiga yar ee Man United Sir Jim Ratcliffe inuu doonayo inuu hogaamiyo waayaha cusub ee Manchester United,

Laakiin kabtanka Red Devils ayaa sheegay in sharuuda kaliya ee uu ku xirayo inay tahay in loo balanqaado in kooxda ay mar kale u tartami doonto koobab waa weyn.

Xiddiga Portugal oo 29 sanno jir ah ayaa qandaraaska kula jira Man United ilaa iyo xagaaga 2026ka isagoo heysta inuu sannad dheeri ah ku darsado.

Fernandes ayaa yiri: “Waxaan durba kulan la qaatay milkiilayaasha cusub. Waxay doonayaan inay la kulmaan ciyaartoyda, durbana si shaqsi ah ayay u la kulmeen.

“Fariintii aan u gudbiyay waxay aheyd, inaan doonayo inaan halkaan sii joogo, waxaana doonayaa inuu noqdo hogaamiyaha mashruuca cusub.

“Waxaan u baahanahay inaan heysano wax walba oo awood inoo siinaya inaan la tartano Manchester City, Arsenal iyo Liverpool, kuwaasoo ah kooxaha ku jira qaab ciyaareedka ugu fiican.

“Waxaan doonayaa inaan tartamo, waxaan doonayaa inaan badiyo.”

Fernandes ayaa ogsoon inaan loo balanqaadi karin ku guuleysiga horyaalka Premier League waqti dhow.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Ma doonayo in la ii balanqaado inaan ku guuleysaneyso Premier League.

“Koox kasta oo aan tago, kama fisho inay ii sameeyaan balanqaad aysan fulin karin.

“Waxaan mar walba weydiistaa oo aan ka rabaa koox inay noqdaan kuwa tartama.

“Sannadkan ma aanan aheyn kuwa tartamaya, mana ahan inaan qarsano. Xilli ciyaareedkan wuxuu ka hooseeyay filashadeena”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*