Sababta Brazil Ay U Beddelayso Garamadeeda Caanka Ah Kulanka England Ee Sabtida Oo La Shaaciyey


Xulka qaranka Brazil ayaa la filayaa in aanu xidhan doonin dharkooda caanka ay ku yihiin ee midabka huruudda ah marka ay Sabtida garoonka Wembley Stadium kula ciyaarayaan xulka qaranka England.

Brazil oo ah dalka ugu guulaha badan Koobka Adduunka oo shan jeer ku guuleysatay, ayaa waxa ay ciyaartoydeedu ku sugan yihiin magaalada London oo ay iskugu diyaarinayaan kulanka saaxiibtinimo ee ay martida u noqonayaan xulka England.

Garoonka tababarka Arsenal ee London Colney ayay ciyaartoyda xulka Brazil tababarka ku qaadanayaan, waxaana ay ka tanaasuli doonaan xidhashada garamadooda midabka huruudda ah iyaga oo ku beddeli doona buluug.

England iyo Brazil oo lagu xasuusto ciyaar taariikhda gashay oo Koobkii Adduunka ee sannadkii 1970kii dhax-martay isla markaana uu Gordon Bank badbaado cajiib ahaa kubbad kaga joojiyey Pele, ayaa waxa kale oo ay isku haleen Koobkii Adduunka 2002 oo Ronaldinho uu gool qurux badan oo laad xor ahaa uu ka dhaliyey goolhaye David Seaman, waxaana labadii jeerba ay Brazil ku guuleysatay koobka.

Lix jeer oo hore oo Brazil ay ku ciyaartay garoonka Wembley oo dhamaantood ay guuleysatay, waxay ciyaartoydeedu xidhnaayeen garamada huruudd ah, laakiin sannadkii 1990kii ayuu xulka England 1-0 kaga adkaaday Brazil oo midabka buluugga ah ku ciyaaraysa, iyadoo Gary Lineker uu goolka ka dhaliyey.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Nike ayaa la sheegay inay dooratay in Brazil ay xidhato midabka buluugga ah maadaama ay iyagu sameeyaan oo ay lacago xayaysiis ah ku siiyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*