Ma Aha Xabi Alonso!! Bayern Munich Oo Dooratay Tababaraha Ay Ku Beddelayso Thomas Tuchel


Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa xulatay tababaraha ay ku beddelayso Thomas Tuchel oo dhamaadka xilli-ciyaareedka ka tegi doona naadigan oo uu sannad kaliya laylinayey, mana aha tababaraha ay doonayaan Xabi Alonso oo hore loola xidhiidhinayey.

Bayern Munich ayaa ku hawlan sidii ay u heli lahayd tababare cusub oo kooxda dib ugu soo celiya dariiqa goolasha iyo koobabka ee ay xilli-ciyaareedkan ka leexatay iyadoo hore looga qaaday labada koob ee German Super Cup iyo German Cup, halka horyaalkana ay toban dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen.

Thomas Tuchel oo kooxda loo magacaabay sannadkii hore ee 2023 ayaa ka tegi doona kooxda sidii hore loo shaaciyey bilo ka hor, waxaana go’aanka gaadhay maamulka kooxda oo saluugay sida uu naadiga u maamulayo.

Bayern Munich waxa ay hore u doonaysay Xabi Alonso oo ah 42 jir hore ugu soo ciyaaray haddana taariikh ka samaynaya kubadda cagta iyadoo aan kooxdiisa illaa hadda dhinaceeda dhulka la dhigin, laakiin lama filayo inuu ka tago kooxdiisa Leverkusen haddii ay dhacdana waxa loo badinayaa inuu tegi doono Liverpool oo iyagana uu ka baxayo Jurgen Klopp.

Sida uu qoray wargeyska La Repubblica ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, Bayern Munich ayaa waxa ay xulatay tababarihii hore ee kooxaha Juventus, Chelsea, Inter, Tottenham iyo xulka Talyaaniga ee Antonio Conte oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay Spurs sannadkii 2023.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*