WALWAL: Rudiger, Nacho, Eder Iyo Alaba – Real Madrid Oo Difaacii Kali Ahaa Ee Ay Haysatay Laga Ganaaxayo Kulanka Barcelona


Kooxda kubadda cagta Real Madrid oo si heersare ah ku bilaabatay xilli-ciyaareedkan, ayaa wadnaha farta ku haysa, waxaanay dhibaatooyin kaystaan difaaca dhexe. Eder Militao oo dhaawac ku maqnaanaya xilli ciyaareedka oo dhan markii uu jilibka ka jabay, ayaa waxa sidoo kale raacay David Alaba oo dhawrkii ciyaarood ee u dambeeyey dhaawac ahaa, halka Nacho Fernandez laga ganaaxay saddex ciyaarood oo horyaalka ah oo kulankii u horreeyey uu ahaa xasuuqii ay kooxdiisu Sabtidii u geysatay Osasuna.

Carlo Ancelotti ayaa ku qasbanaaday in uu difaaca dhexe ka ciyaarsiiyey Aurelien Tchouameni oo ka garab ciyaarsiiyo Antonio Rudiger oo ahaa difaaca dhexe ee kaliya ee ay haysatay Los Blancos.

Real Madrid ayaa filaysa in uu usoo laaban doono difaaca reer Austria ee David Alaba kaddib kulamada caalamiga ah, isla markaana uu diyaar u noqon doono ciyaarta Barcelona ee dhamaadka bishan taas oo ah war ka farxinaya Real Madrid.

Sidaas oo ay tahay, Real Madrid ayaa wadnaha farta ku haysa, waxaanay ka walaacsan tahay xaaladda Antonio Rudiger oo halis ugu jira in laga ganaaxo ciyaarta Barcelona ee El Clasico.

Difaaca reer Germany ayaa afar kaadh oo digniin ah haysa, waxaana haddii kaadh kale oo digniin ah uu qaato ciyaarta Sevilla ee marka laga soo laabto ciyaaraha caalamiga ah uu waajihi doonaa ganaax hal klan ah oo uu kaga maqnaan doono ciyaarta Barcelona ee October 28, taas oo sidoo kalena uu ku egyahay ganaaxii saddexda ciyaarood ee Nacho Fernandez.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*