Afartii Ciyaartoy Ee Dilay Man City, Xiddigii Garoonka Ee Waqtiga Hore La Go’aamiyey Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Arsenal vs Man City


Gabriel Martinelli ayaa kursiga kaydka uga soo kacay si uu guul ugu hoggaamiyo Arsenal oo uu guul-darradii labaad ee xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ah ugu xambaariyo Man City oo usbuucii horena ay kasoo adkaatay Wolves.

Xiddiga Brazil oo dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa shantii ciyaarood ee u dambeeyey, ayaa soo galay qaybtii labaad, waxaana uu kciyey Emirates Stadium oo uu goob dabbaal-deg u rogay dhamaadka ciyaarta oo ay afar daqiiqadood ka hadhsanayd.

Kai Havertz ayaa qayb ku yeelanaya goolka oo ahaa laacibka kubadda kasoo saaray xerada ganaaxa ee caawinteeda lahaa, isla markaana bannaanka ugu dhiibay Gabriel Jesus.

Guushan ayaa ahayd middii ugu horreysay ee Premeir League ah ee ay Arsenal ka gaadho Manchester City tan iyo December 2015, waxaanay soo afjareen 12 ciyaarood oo xidhiidh ah oo guul-darrooyin ah.

Maxaa xiga?

Arsenal waxay kulankeeda ugu soo horreeya ee horyaalka Premier League ay la ballansan tahay Chelsea oo ay ku booqan doonto Stamford Bridge marka ay taariikhdu tahay October 21 oo ah maalin Sabti ah, halka Manchester City ay isla maalintaas garoonkeeda Etihad Stadium ku qaabbili doonto Brighton.

Xiddigii garoonka

Gabriel Martinelli ayaa noqday xiddigii garoonka ee is-dhaafiyey labada kooxood, isla markaana go’aamiyey libinta kooxdiisa Arsenal. Ma jirin ciyaartoy ka wanaagsanaa qiimayn ahaan, haddii laga tegi waayana waxa kusoo xigay William Saliba, Gabriel iyo Rice oo Arsenal ah.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Arsenal: Raya (5); White (7); Saliba (8), Gabriel (8), Zinchenko (6); Rice (8), Odegaard (7), Jorginho (7); Jesus (7), Trossard (6), Nketiah (6)

Beddelka: Martinelli (9), Partey (6), Havertz (7), Tomiyasu (6)

Man City: Ederson (6), Walker (6), Ake (6), Dias (6), Gvardiol (6), Lewis (7), Kovacic (6), Silva (6), Foden (6), Alvarez (7), Haaland (6).

Beddelka: Stones (6), Doku (6), Nunes (6)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*