Arsenal Oo Guushii Koowaad Ee Premier League Ah Ka Gaadhay Man City Muddo Toddoba Sannadood Ah


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ugu dambayn guushii koowaad ee horyaalka Premier League ah ka gaadhay Manchester City oo toddoba sannadood oo xidhiidh ah ka badinaysay, waxaanay ku garaaceen Emirates Stadium oo ay 1-0 kaga qaateen dhibcaha.

Gunners ayaa heshay guul ay u qalmaysay, kulan ay inta badan ciyaarta maamulaysay oo Manchester City ay noqotay koox caadi ah oo lumisay haybaddii ay ku khalkhalin jirtay kooxaha kale iyo kubbad-hayntii badnayd ee lagu yaqaanay.

Gabriel Martinelli oo kasoo laabtay dhaawac muddo uu ku maqnaa ayaa dhaliyey goolka madiga ah ee ay guushu ku raacday Arsenal, isaga oo garab ka helay Kai Havertz oo isaguna kursiga kaydka uga soo kacay si uu u caawiyo goolkan.

12kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka ayay Manchester City si xidhiidh ah uga badisay Arsenal, laakiin Gabriel Martinelli ayaa noqday shimbirka kulankan oo soo afjaray rikoodhkii guulaha xidhiidhka ah ee Pep Guardiola uu ka gaadhayay Arsenal.

Manchester City ayay u tahay guul-darradii labaad ee horyaalka Premier League ah, waxaana ciyaartii toddobaadkii hore 2-1 kusoo garaacday Wolves, halka sidoo kalena ay Newcastle uga sii horreysay oo ay ka reebtay tartanka Carabao Cup, taas oo ka dhigan in afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey saddex ka mid ah laga badiyey Manchester City.

Nathan Ake ayaa fursad dahabi ahayd ka khasaariyey Man City daqiiqaddii shanaad ee ciyaarta oo kubbad ay xerada ganaaxa ku ciyaareen oo uu Fooli kusoo qbatay Gvardiol, isla markaana uu difaaca burburiyey Foden la seegay shabaqa oo tallaabooyin u jiray.

David Raya ayaa qalad xun sameeyey oo uu nasiibku badbaadiyey, kaddib markii kubbad uu loo soo dhiibay uu ula dhaqaaqay dhinaca goolkiisa, waxaana kusoo gaadhay Julian Alvarez oo ku qabtay, balse nasiib-wanaag waxay waxyar dhinaca ka martay birta goolka.

Daqiiqaddii 38aad ayay Manchester City ka badbaadday in kaadh casaan ah la siiyo Mateo Kovacic oo isaga oo haysta kaadh digniin ah oo horeba VAR ay uga deysay rikoodhe mar kale qalad ku galay Rice, taas oo uu garsoore Michael Olivier saayiraad ugu sameeyey.

Labada kooxood oo weerarkoodu yaraa, ayaa waxay Manchester City ka cadhootay go’aan uu garsooruhu qalad ugu dhigay Rico oo kubbad kala dhax-baxay Martinelli iyo Jorginho oo goolka oo cidlo ahaa kula socday.

Gabriel Jesus ayaa khasaariyey fursad dahabi ahayd oo iyadoo laga filayay inuu usoo dhigo saaxiibkii ku toogtay goolka oo tallaabooyin u jiray, waxaana lugta geliyey difaaca City oo koorne uga saaray.

Dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Arsenal ku doodday in loo dhigo rikoodhe markii uu Nathan Ake xerada ganaaxa ku riday Jesus oo kubbad lasoo dhax-jiidhay dhawr difaac, balse VAR oo soo hubisay iyo garsoore Olviver ayaa isku raacay in aanay rikoodhe ahayn.

GOOOOAAAAAAAAAAAAAAALLLLLLLLLLLLLLLLLL!!! Arsenal 1-0 Man City!!!!!! Gabriel Martinelli ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 86aad oo kubbad uu Kai Havertz ugu dhiibay laynka xerada ganaaxa, waxa uu ku toogtay kubbad xeegaysan, taas oo kusii dhacday Nathan Ake oo u leexiyey dhinaca kale iyadoo Ederson uu isku tuuray dhinaca midig, waxaanay gashay shabaqa oo cidlo ah.

Goolkan ayaa noqday midka kaliya ee kala saaray labada kooxood ee guusha u go’aamiyey Arsenal oo ay ugu dambaysay inay guul ka gaadho Manchester City sannadkii 2016 iyadoo waqtigaas uu tababare ahaa Arsene Wenger, waxaana ay xogtani ku kooban tahay horyaalka Premier League, maadaama tartamada kale ay Gunners marar dhawr ah ka badisay City.

Guushan ayaa waxay keentay in Arsenal ay la wareegto kaalinta labaad oo ay ku haysato 20 dhibcood, waxaana farqiga goolasha kaga horreysa Tottenham oo ay isku dhibco yihiin, halka Man City ay saddexaad fadhido oo ay leedahay 18 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*