LABADII Ciyaartoy Ee Dilay Liverpool, Xiddigii Garoonka Ee La Isku Qabsaday, Rikoodhkii Qariibka Ahaa Ee NunezIyo Qiimaynta Kulankii Brighton & Liverpool


Mohamed Salah ayaa laba gool ku dhaliyey lix daqiiqadood gudahood kulan ay Brighton barbarro ku wadaageen Amex Stadium, laakiin Liverpool waxay awoodi weyday in ay xajisato guul gacanteeda ku jirtay xilli uu qalad xun sameeyey Alexis Mac Allister.

Liverpool ayaa lagala hormaray gool qaybtii hore uu dhaliyey Simon Adingra oo kubadda ka boobay Mac Allister, taas oo uu ku toogtay goolka oo uu ka maqnaa Alisson Becker.

Lewis Dunk ayaa sameeyey qalad xun oo sababay in Mohamed Salah uu keeno goolka barbarraha, kaddibna qalad ay wada lahaayeen Bart Verbruggen iyo Pascal Gross ayaa Reds siiyey rikoodhe uu gool u beddelay Mohamed Salah, hase yeeshee Lewis Dunk ayaa saxay qaladka uu sameeyey oo keenay goolka barbarraha.

Reds oo uu nasiibku diiday markii uu Ryan Gravenberch kubadda goolka ku toogtay ee ay birta kaga dhacday ayaa nasiib ku lahaa in in dhamaadkii ay Brighton iska lumisay gool caddaan ahaa.

Rkoodhkii qariibka ahaa ee Darwin Nunez

Xiddiga reer Uruguay ee Darwin Nunez ayaa caawiyey goolka koowaad ee uu dhaliyey Mohamed Salah, waxaana shan caawimood oo uu ka sameeyey horyaalka dhamaantood dhaliyey Mohamed Salah. Waxa uu noqday ciyaartoygii ugu  badnaa ee hal-ciyaartoy caawiyey goolal shan ah oo isku xiga, isaga oo aanu u dhaxaynin ciyaartoy kale.

Ma jiro horyaalka Premier League ciyaartoy sameeyey shan caawimood oo dhamaantood uu dhaliyey hal ciyaartoy oo kaliya.

Labadii ciyaaroy ee la degy Liverpool

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa waxa la degay laba ciyaaroy oo kooxdeeda ah oo ka horjoogsaday inay guul gaadhi karto, waana bandhiggii liitay ee Harvey Elliott oo la beddelay waqtigii nasashada iyo Van Dijk oo aan qabsanin shaqadiisa difaaca. Waxa uu ku sigtay in lagu qabto rikoodhe markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday, nasiib-wanaaggiisana waxa u hiilisay VAR, waxaanay ahaayeen labada ciyaaroy ee ugu liitay Liverpool.

Xiddigii garoonka ee la isku qabsaday

Mohamed Salah iyo Adingra ayaa isku qabsaday xiddigii garoonka oo uu mid walba ku dooday in la siiyo. Telefishanka Sky Sports ayaa waxa uu abaal-marinta gacanta ka geliyey Mohamed Salah oo dhaliyey labada gool ee ay Reds dhalisay.

Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood

Brighton: Verbruggen (5), Veltman (6), Dunk (6), Igor (6), March (7), Gross (6), Baleba (7), Adingra (8), Pedro (6), Mitoma (7), Ferguson (6).

Bedelka Welbeck (6), Van Hecke (6), Fati (n/a).

Liverpool: Alisson (6), Alexander-Arnold (6), Matip (6), Van Dijk (5), Robertson (6), Elliott (5), Mac Allister (6), Szoboszlai (7), Salah (8), Nunez (7), Diaz (7).

Beddelka: Gravenberch (6), Konate (6), Gomez (5).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*