YAAB: AC Milan Oo Go’aansatay In Giroud Ay Ku Darsato Liiska Goolhayeyaasheeda Xilli-ciyaareedkan


Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa go’aamiyey in liiska goolhayeyaasheeda ay geysto weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud kaddib badbaadin cajiib ahayd oo uu ka sameeyey horyaalka Serie A kulankii Gerona ay guusha cidhiidhiga ah ka gaadheen Sabtidii.

AC Milan oio marti ahayd, ayaa u baahatay isbeddel goolhaye oo degdeg ah, kaddib markii casaan toos ah lagaga saaray Mike Maignan xilli dhamaadk ku dhoweyd oo uu beddelkuna ka dhamaaday, kaddib qalad xun oo uu ku galay Caleb Ekuban.

Milan ayaa casaanku uu ku yimid waqti ay isticmaashay dhamaan shanta beddel ee loo ogol yahay, waxaana ay ku qasbanaadeen in ciyaartoyda ku jirtay gudaha garoonka ay midkood ka dhigtaan goolhaye, iyadoo Olivier Giroud uu noqday goolhayaha kooxda.

Gool-dhaliyaha reer France ayaa daqiiqaddii 104aad waxa uu sameeyey badbaadintii ciyaarta, isaga oo isku duubay kubbad lagula soo baxsaday.

Mike Maignan oo ka maqnaanaya AC Milan saddexda ciyaarood ee soo socda, ayaa waxay go’aansatay, in liiska goolhayeyaasheeda ay ku darsato Olivier Giroud kulamada soo socda, waxaana magaciisa lagu daabacay website-ka kooxda isaga oo ah goolhaye.

Halkan ka daawo badbaadadii uu sameeyey Giroud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*